W/Q WardheerNews
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bishan May 27, 2018, ayaa lagu sheegay in uu “xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.”
Garyaqaan Baashe ayaa la sheegay in uu yahay will dhalin yar, oo aan laheyn khibrad iyo waayo aragnimo uu ku guto howsha balaadhan ee loo igmaday.
Magacaabista Baashe ee xilka Guddoomiyaha Maxakamadda Sare, ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay Agaasimaha Madaxtooyada Md. Fahad Yaasiin.
Tan iyo intii uu xika madaxtinimada la wareegay Madaxweyne Farmaajo bishii Febraayo 8, 2017, waxa sii kordheysa awoodda baaxadda leh ee la siiyay xafiiska Agaassimaha Madaxtooyada, ee uu hoggaanka u hayo Md. Fahad Yaasiin, oo helay awood aan xad lahayn.
Md. Fahad oo ka faa’iideysanaya awoodda gaarka ah ee madaxweynaha, ayaa markiiba bilaalbay qorshe ku aadan, sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa, dhamaan qeybaha kala gedisan ee dowladda (branches of government), kuwaasi oo kala ah: Fulinta, Baarlamaanka, iyo Garsoorka.Taasi oo meesha ka saareysa in wax isla xisaabtan ahi yimaado (accountablity).
Md. Fahad oo adeegsanaya 1) xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay dalka Qadar, islamarkaana ka haysta maalgelin toos ah (political money), iyo 2) Madaxweyne jilicsan oo ku wareejiyay awooddiisii sharci, ayaa u fududeysay qorshaha gacan ku qabashada sidii dhamaan qeybaha dowladda loo soo gelin lahaa xeyndaabka madaxtooyada (Villa Somalia).
Dhawaan ayay aheyd markii uu ku guulestay Md. Fahad, in uu Guddoomiyhii hore ee Baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xilka laga tuuro, bishii Abril 9, ka gadaal markii ol’ole xooggan Md. Jawaari lagaga soo abaabulay madaxtooyada. Qorshahaas oo uu ka dambeeyay Fahad Yaasiin, isaga oo adeegsanaya Raysal Wasaare Xasan Kheyre.
Haddaba magacaabista guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, ayaa soo dhameystiraysa qorshihii urursiga awoodda qeybaha kala duwan ee dowladda (branches of government), oo dhamaan hadda hoos tagi doona xafiiska Fahad Yaasiin.
Md. Fahad Yaasiin, oo ay siisay yidiidiilo hor leh, markii ay u suurta gashay in uu xukunka ka tuurro Md. Jawaari, ayaa wada qorshe Maamul Goboleedyada, khaasatan Galmudug, Puntland, Koonful Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle looga abuuri lahaa dad ka amar qaata ama hoos taga Fahad Yaasiin, oo xukunka qabta doorashooyinka sanadka ina xiga 2019.
Ol’olaha xukun ka tuurka Maamul goboleedyada, ayaa hadda ka bilaabmay Galmudug iyo Jubbaland.
Md. Fahad ayaa ay ka go’an tahay inta uu haysto awoodda khaaska ah ee Madaxweynaha jilicsan ee Farmaajo, iyo lacagta Qadar, in uu fuliyo qorshihiisa fog ee ku aadan awood urursiga 2020, taasi oo uu wadadeedii hayo.
WardheerNews
Leave a Reply