Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Talk of the town

Villa Soomaaliya: Karkarinta deganaansho la’aanta siyaasaddeed-Faallo

WardheerNews

Khilaaf siyaasadeed oo hor leh ayaa soo kala dhex galay Xukuumadda iyo guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Khilaafkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo Mooshin la sheegay in laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), oo xilka lagaga xayuubinayo Guddoomiye Jawaari.

RW Kheyre (bidix) iyo Fahad

War saxafadeed uu qabtay Guddoomiye Jawaari, ayuu ku sheegay in Xakuumadda Soomaaliya ay waddo falal lagu burburinayo Baarlamaanka Soomaaliya.

‘’Xukuumaddii ama Laantii Fulinta ayaa weerar ku soo qaadday Baarlamaanka, waxaa jira arrimo aan anigu diiday in aan saxiixo, oo ka hor imanayay nidaamka mabda’a iyo ammaannada naloo dhiibay, ayaa soo kiciyay arinta ” ayuu ku sheegay Jawaari war saxafadeedkaasi.

Guddoomiyuhu ma sheegin arrimahaasi uu ka diidday xukuumaddu waxa ay ahaayeen.

WardheerNews, oo khadka teleefanka kula xidhiidhay Xildhibaano iyo hawl-wadeeno kale oo ka tirsan maamulka Baarlamaanka, ayaa sheegay in Madaxtooyadu waddo shirqool lagu burburinayo Baarlamaanka Soomaaliya, ka gadaal markii ay u caddaatay in Baarlamaanka Federaalka, aan looga arrimin karin Madaxtooyada (Villa Somalia), ee uu yahay ha’adda sharcidajinta dalka, oo ka madaxbannaan.

“ Horey ayay iskugu dayeen in ay buruiriyaan maamul gaboleedyada sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waanay ku fashilmeen, haddana waxay isku soo rogeen Baarlamaankii”, sidaa waxaa yidhi xildhibaan ka tirsan golaha shacbiga oo ka gaabsaday in la xuso magaciisa.

Xarunta Baarlamaanka ayaa lagu soo daadgureey ciiddamo aan ahayn kuwii horey ilaalada ka ahaa.

Doorashadii Madaxweyne Farmaanjo oo dad badani u arkayeen in ay keento is-baddel siyaasaddeed, oo jidka u xaadha degenaansho siyaasaddeed iyo nidaamka axsaabta ee Hal Qof iyo Hal Cod, ayaa khilaafyada isdaba joogga ah ku rideen niyad jab hamigii iyo higsigii shacbiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo in badan ku soo jiray ama ahaa musharrax, intii laga qaaday xilka Ra’iisal Wasaaraha bishii Juun 2011, ayaa markii uu qabtay jagada Madaxtinamada bishii Febraayo, 2017, aan u muuqan shakhsi  leh astaamihii hoggaanka, balse qof jilicsan oo aan 1) go’aan, 2) qorshe iyo 3) hadaf toona lahayn (accidental president).

Tan iyo intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Farmaajo, waxaa la soo darsay fursado badan oo mudnaa in uu wax ka qabto, una keeni lahaa kolsoonida shacabka, sida khilaafka hadda soo dhex galay Villa Soomaaliya (Fahad/Kheyre VS Jawaari), isaga oo ilaa hadda ka aamusan, taasi oo caaddo u noqotay Madaxweyne Farmaajo.

Waxa xusid muddan in uu horey uga aamusay: 1) Qalbi Dhagax, 2) Arintii C/raxmaan C/Shakuur iyo 3) Qeybdiid. Ka aamusnaanta madaxweyne Farmaajo ee dhacdooyinka saamaynta weyn ku yeelan kara arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada dalka ayaa noqday mid kaaramadii ka xayuubisay madaxweynaha, kana dhigatay kaalintiisa mid magac u yaala ah.

Waxa hadda cad in  Madaxweyne Farmaajo uu lumiyay kalsoonidii iyo fursaddii ay siiyeen shacbiga Soomaliyeed, oo aanu ahayn hogggaamiye karti leh oo wax ka qaban kara arimaha Soomaaliya.

Daraasaad ama xaqiiq raadis ay horey u samaysay WardheerNews, ayaa xustay in Agaasimaha Madaxtooyada oo la siiyay ama haysta awood aan xad lahayn, uu hormuud u yahay dhammaan qorshayaasha siyaasadeed ee qariskatuurka ah ee lagu bartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo hadda ay isbarbaryaacayaan laba mooshin oo ay kala wataan xildhibaanada Baarlaamku ee kala taageersan Villa Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaan la saadaalin karin xaalku meesha uu ku biyoshuban doono, inkastoo dadka siyaasadda aan xasilloonayn ee Soomaaliya u kuurgalaa ay aaminsanyihiin in uu xilkiisa waayi doono ra’iisalwasaare Khayre inta aan Guddoomiye Jawaari kalsooni kala noqoshadiisa miiska la keenin.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.