
Jigjiga, Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Jigjiga Xoghayaha Guud ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeniya Md. Cabdiraxmaan Sh. Mahdi (Maaday) ayuu ku sheegay in JWXO ay si rasmi ah u noqonayso Xisbi Siyaasi ah oo ka diiwaan gashan waddanka Itoobiya Isla markaana ay ka qayb geli doonaan doorashooyinka soo socda ee la filayo in ay Itoobiya ka dhacaan sannadka 2020ka.
Xoghayaha Guud ee JWXO Md. Maaday oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay halgankooda si nabadgelyo ah ku sii wadi doonaan qaab waafaqsan dastuurka Itoobiya
Maaday ayaa waxaa kaloo uu sheegay in magaca xisbigu uu ahaan doono ONLf isagoo islamarkaana ku hoos jira Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyadda (SCF), iyadoo Isbahaysigani u furanyahay in ay ku soo biiraan asxaabta kale ee shuruucda waddanka buuxiya ayna qaban doonaan shirweyne.
Ururka ONLF oo ka mid ahaa Jabhadaha Mucaaradka ee Itoobiya ka dagaama, lagana saaray dhawaan aragixisada ayaa la filayaa in ay talada Deegaanka ku loolami doonaan Xisbiga Shacabka Dimuqraadiga Soomaalida (ESPDP) oo isagu ahaa ka keliya ee ka jira deegaanka Soomaalida.
Xisbiga ESPDP oo uu hadda hoggaamiyo Axmed Shide oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii dheefsan jiray dhiigga iyo dheecaanka maxaabiistii sida arxandarrada ah loogu ciqaabi jiray Jeel Ogaadeen ayaa maalmahan shir uga socdeen magaalada Jigjiga si dib loogu muunadeeyo Xisbiga oo aanay kalsooni badan ku qabin shacabku.
Haddaba dadka u dhuun daloola siyaasadda deegaanka Soomaalida ee xilligan ayaa aaminsan haddii uu Ururka ONLF la yimaado siyaasado wax-ku-ool ah oo uu ku kasban karo shacabka Soomaalida in guulo waaweyn ka soo hoyn karaan doorashooyinka soosocda.
Si kastaba ha ahaatee siyaasadda Itoobiya ayaan ahayn mid marwalba la isku hallayn karo iyaddo shaki badani weli ka jiro in doorashooyinku u dhici karaan si xor iyo xalaal ah.
WardheerNews, Jigjiga.