Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ururada siyaasadda Puntland oo ka hadley xaaladda Puntland

Garoowe (WDN)- Lix urur siyaasaddeed oo ka mid ah Ururada Puntland, ayaa war-saxafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasaddeed iyo arimaha dhaqaalaha ee soo foodsaaray Puntland. Ururadaasi ayaa ku sheegay war-saxafeedkaasi in ay welwel ka qabaan sida ay u suurtoobi karto geedi socodka dimuquraadiyadeed ee Puntland, iyada oo arimo sharciga ka baxsan lagula kacay 8 xildhibaaan oo la sheegay in laga qaaday xilkoodii.

War-saaxadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay WardheerNews, ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:
——————

War-Saxaafadeed Shir ay maanta oo taariikhdu tahay 06/12/2020 ku yeesheen magaalada Garoowe Urur-Siyaasadeedyada kala ah Runta iyo Cadaaladda, Dhalinyarada, Mideeye, Mustaqbal, Horseed iyo Ifiye, ayay kasoo saareen Warsaxaafadeed ay kaga hadleen Sarifka Shilin Soomaaliga, sicir bararka iyo xaaladihii siyaasadeed ee ugu dameeyey

1. Sicir bararka iyo qiima dhaca Shillin Soomaaliga Ururada Siyaasadda Puntland ee kur ku xusan waxay si wadajir ah isula qaateen in qaabka ay xukuumaddu u maaraysay xalinta xaaladda sicir bararka iyo sarifka uu yahay mid ka fog sidii saxda ahayd, iyada oo gabi ahaanba samaysay marin habaabin, halkii ay xal keeni lahaydna shacabka ku ganaaxday in ay iyagu xaliyaan mushkiladda taagan.

b. Waxaa cad: b. In labadii wareegto ee xukuumaddu soo saartay kuna saabsanaa xaaladahan ay ahaayeen kuwa aan wax xalinayn, balse xaaladda uga sii daray.

t. In aanay iswaafaqayn in xukuumaddu diido cashuurta in ay ku qaado shilin Soomaaliga, isla markaana shacabka ku amarto in ay qaataan

2. Dhacdadii ka dhacday Golaha Wakiilada Puntland: Ururada Siyaasadda Puntland ee kor ku xusan waxay si wadajir ah isula qaateen in dhacdadii ka dhacday 03/12/2020 Xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee xasaanadda looga qaaday qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wakiilada ay ahayd mid baal marsan Dastuurka Puntland.

Ururada Siyaasadda Puntland ee kor ku xusan waxa ay welwel ka qabaan sida ay u suurtoobi karto geedi socodka dimuquraadiyadeed ee socda haddii aan la dhowrin sharciyada iyo xeerarka Puntland.

Dhammaad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.