Uhuru oo u sharaxay Aamina jagada madaxa Ururka Midowga Afrika

Uhuru oo u sharaxay Aamina jagada madaxa Ururka Midowga Afrika

WardheerNews (WDN) Madaxweynaha Kenya Md. Uhuru Kenyata ayaa sheegay in uu dhawaan u gudbiyay ururka Midowga Afrika, magaca Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Marwo Aamina Maxamed,si ay uga qeyb gasho tartanka jagada guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo lagu wado in ay horaanta sanadka soo socda dhacdo. Jagadaasi oo ay hadda si ku meel gaadh ah u hayso Marwo Nkosazana Dlamini-Zuma oo ka soo jeeda wadanka Koonfur Afrika.

Amina with Uhuru
Marwo Aamina iyo Md. Uhuru

Madaxda Afika ayaa shirki ay bishii Juulaay ku yeesheen wadanka Ruwanda, ku heshiin waayay doorashada qofkii badali lahaa Nkosazana Dlamini-Zuma.

Liiska magacyada murashaxiinta ayaa la filayaa in laga dooddo bishan Oktoober 14, iyada oo markaasi la magacaabi doono guddoomiye cusub bisha Janaayo 30-31.

Magacaabista Aamina ayaa meesha ka saaraysa rajada madaxa urur goboleedka IGAD Md. Maxbuub oo isna rabay in uu siku sharaxo madaxa hoogaan ka mid waaxyaha ururka Midowga Afrika.

Ururuka Midowga Afrika oo dhidibada loogu taakay bishii May 25 1963, magaaalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya, ayaa ay ku bahoobeen 54  oo Afrikaan ahi. Dalka Koonfurta Sudan ayaa ahaa dalkii ugu danbeeyay ee xubin ka noqda ururkaasi.

WardheerNews