Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Tirada dhallinyarada ka tahriibaysa magaalada Laascaanood oo korartay

Keydka Ergo

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa labadii ee la soo dhaafay waxaa ka tahriibay dhallinyaro ka badan 30, oo da’doodu u dhexeyso 14-20 sano jir. Dhallinyaradan oo sii mara dalka Itoobiy ayaa ka gudba magaalada xadka ku taalle ee Wajaale iyo deeganno ka tirsan gobolka Awdal.

Cabdifitaax Cabsiiye Ducaake, ayaa loo soo sheegay geerida walaashiis toddobaad kadib marki laga bixiyay lacag dhan sagaal kun oo dollar oo madax furasho ahayd oo la siiyay koox magafe ah, oo ay u xirnayd walaashiis. Cabdifitaax walaashiis oo lagu magacaabi jiray Caasho oo ahayd hooyada sedex carruur ah, ayaa tahriibtay bil iyo bar ka hor.

“Walaashay ilaahay ha u naxariisto aniga ayay oo oan jirtay walaal ha tahriibin laakiin ma garanayo waxa ku kallifay inay tahriibto.” Ayuu yiri Cabdifitaax.

Wuxuu sheegay in ilaa lix jeer ay la soo hadal siiyeen, marki ugu dambaysay oo ahayd 18 bishi Febrawari ayay u soo direen muuqaal aysan u ekaa inay huruday, kaasi oo welwel ku beeray Cabdifitaax.

“Welwelka ugu badan ee hadda na haya ayaa ah in weli maydkeedi yaallo bannaan oo aan la aasin, inay dileen baan umalaynayaa, oo wiilal baa ii sheegay inay dhimatay, kadibna waxaan ka xaqiijiyay kuwii lacagta iga qaatay.”

Sidaa waxaa yiri Cabdifitaax oo aan garanayn meesha saxda ah ee lagu hayay walaashiis. Wuxuu intaa ku daray in kooxda haysatay walaashi ay waydiisteen laba kun oo doolar si loo aasso.

Cabdifataax Cabsiiye ayaa sheegay in dhallinyaro ka badan 20 oo uu garanayo ay tahriibeen, oo ka ka tirsan loo sheegay inay dhinteen.

Caasha la waayay 7 bishi koobaad ee sanadkan, 11maalin marki ay maqnayd ayaa waxaa la soo hadlay kooxda magafayaasha ee dadka tahriibiya, waxayna u sheegeen inay hayaan walaashiis oo gacan ka jaban ayna ka doonayaan lacag. Waxaa la sheegay in laba wiil ay la socdeen oo ay isku xaafad ahaayeen.

Inkastoo aan la xaqiijin in Laascaanood ay iska raaceen iyo meel kale iska heleen. Dadka tahriiba ayaa sii mara dalka Itoobiya oo ay uga Suudaan sidaana ku gaara dalka Liibiya oo ah meesha kooxaha magafayaasha ah, ay ku xirtaan dadka kana qaataan lacago madax furasho ah.

Dadka tahriibaya ayaa marka la waydiiyo waxa ku kallifaya inay qaataan go’aanka tahriibka waxay sheegaan in shaqo la’aan ay ka jirto magaalada. Faadumo Jaamac, waxaa muddo bil ah u xiran magafayaasha wiilkeeda.

Cabdiraxmaan Maxamed oo 17 sana jir ah. Waxay ka dalbadeen lacag dhan 11 kun oo doollar oo madax furasho ah oo aysan awoodin.

Wuxuuna tahriibay bil iyo bar ka hor, hooyadii waxay ogaatay maalin kadib marki uu ka baxay magaalada Laascaanood, si u soo celiso ayay u aadday magaalada Hargeysa, nasiib darro ma aysan helin. Kooxda uu u xiran yahay wiilkeedu ayaa ku haya dhibaatooyin kala duwan sida garaacis iyo dhaawac xabbad ah oo ay kaga dhufteen lugta.

“Runtii dhibaato wayn ayaa aniga i haysata waayo lacagta wiilkayga laga rabo ma haysto mana garanayo cid iga caawinaysa habeen-kii ma seexdo maalintii oo dhan meelahaasi ayaan wareegaa bal inaan cid uun dayn ka helo laakiin waan waayay cid xitaa wax i daymisa. Habeenkii waxay ila soo hadal siiyaan iyagoo garaacaya oo uu ooyayo.” Sidaa waxaa tiri Faadumo oo ay ka muuqato murugo badan.

Faadumo ayaa sheegtay in laba jeer ay ballan u qabteen taaso ah haddii lacagta ay ku bixin waydo muddo sedex beri ah inay dili doonaan wiilkeeda. Balanta ugu dammbasya ayaa loo qabtay 18-ka bishan Maaj. Faadumo waxay intaasi ku dartay in wiilkeedu hadda uusan waxba baran jirin shaqana hayn. Nolasha qoyska Faadumo ayaa ku tirsan saygeeda oo ka shaqeeya dhismayaasha.

“Habeen walba xilliga hurdada ayay ila soo hadal siiyaan ayaga oo jir dilaya oo uu ooynayo, dhawaaqiisa ayaa madaxaxayga ka yeeraya, lacagtana i waydiiyaan.” Sidaa waxaa mar kale tiri Faadumo.

Saynab Ducaale Gaadh oo ah gudoomiayaha ururka haweenka Now laantiisa gobolka Sool, ayaa sheegtay in labadi bil ee u dambaysay ay diiwaan galiyeen 30 dhallinyaro ah, oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo da’doodu u dhexayso 14-20 sano jir.Waxay sheegtay in bil gudadeeh ay gacan ka gaysteen soo qabashada  7 qof oo rabay inay tahriibaan kadib marki waalidiintood ay ka codsadeen inay ka caawiyaan goobaha kontoroollada inay ula hadlaan.

“Waxaan oo oran karnaa laba arrin ayaa hadda u sabab ah, dhanka Ethiopia oo maritaankeedii fududaaday iyo sidoo kooxihii magafayaasha oo billaabay in dhallinyarada kala soo xiriiraan baraha bulshada oo wakiillana ku leh gudaha, kharashkana ka bixiya illaa Liibiya, markii dadkii tahriibayay joog-sadeen ayay arinkan billaabeen.”

Saynab ayaa sheegtay in xogta ku saabsan tahriibka ay ka heleen hooyooyin waayay carruurtooda kadibna ka codsaday inay ka caawiyaan in baraha kontorollada ay ula hadlaan si loogu qabto.

Dhalinyarrada tahriibsay ee la soo celiyay waxaa ka mid ah Cabdinaasir Jaamac Barre oo 20 sana jir. Shan iyo tobanki bishi Febraayo ayaa laga soo qabtay magaalada Wajaale kadib marki uu ka warhelay adeerkii kadibna sawirradiisa ayaa la dhigay baraha kontoroollada ee magaalada, taasi oo sahashay in la soo qabto.

“Tobankii Febraayo xilli fiid ah, ayaa waxaa what’sup-ka iga soo wacay nin, wuxuuna ii sheegay wiil tahriibay oo Saalim la dhoho oo aan saaxiibbo ahayn in uu ka soo helay lambarkayda. wuxuu igu yiri wax qarash ah lagaama rabo ee sidii Saalim ayaan liibiya ku gay-naynaa.” Sidaa waxaa Radio Ergo u sheegay Cabdinaasir.

Cabdinaasir ayaa sheegay in lambarkiisa loogu soo diray lacag 30 doollar ah, taas oo u muuqtay in uusan ka welwelin dhanka lacagta, basle waa la soo qabtay asaga iyo sedex wiil oo kale. Sababta ugu wayn ee uu noolashiisa halista u galinayo ayuu ku sheegay inay tahay shaqo la’aan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.