Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tiraab-curinta Toolmoon: Qoraallo Gaagaaban(2)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

M A A N K A 

MAANKA bani’aadmiga lama soo taaban karo salkiisa.  Muggiisa lama qiyaasi karo.  Wax walba inuu ka faalloodo ayuu isku dayaa.  Cucubka wuu ku curyaamaa.  Cabsida iyo abhinta wuu ku naafoobaa.  Is-dhiibidda wuu ku hagaasaa.  Marna se ma joojiyo baadigoobka uu u heellan yahay.  

Safar iyo sahan joogtaysan ayuu ku jiraa.  Soohdin baacin kartaana ma ay jirto.  Kumanyaal sano oo la soo dhaafay, ayuu run ka jirtey baaraa, oo ka niib keenaa habkii, qalabkii iyo waayihii xilligaas fog lagu noolaan jirey.

 Kumanyaal sano oo soo socda, ayuu sii oddorosaa dhacdooyinka iman doona yaabka iyo cajaaiibka ay leeyihiin.  Falagga korkeenna meeraya ayuu fiiriyaa, faaqidaa intuu ka kooban yahay- tiradooda, kala fogaantooda, weynaantooda, cimiladooda kala duwan, oo fallaara xiimaya ku sahmiyaa intaan loo guurin.  

Dhulka hoosteenna goglan, ayuu qaradiisa weyn hoos u quusaa, oo uur-ku-jirtiisa daalacdaa una kala soocaa.. siigo.. ciid..  dhoobo.. dhadhaab.. biyo.. gaas.. betrool.. dheeman.. iyo malyuun shey oo weli isku moordhaysan.

 Misna maskaxda madaxiisa yar ku jirta, waxaa lagu tilmaamaa inta uu tan iyo haatan ka isticmaalay waxay ku aadaysaa wax irbad caaradeed le’eg marka loo eego inta weli u dihin.  Miyay markaa la yaab leedahay inu qofku haweysto inu boqortooyadiisa kawnka ku simo.  KII IS-DABRAAYA YEELKADIISA !!

SHAQADA & WAXTARKEEDA

Shaqadu waa sharaf. “Nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan.”  Waa maahmaah soomaaliyeed  oo murtideeda  laysla wada qirsan yahay.  Intee baase ku dhaqanta oo ku camal fasha?  Kolleyba tiro aan yarayn baan dhegta jalaq u siin.  

Shaqa la’aanta iyo cudurku waa mataano walaala ah oo markay isu tagaan ay ka dhalato cillado fara badan ay ka mid yihii: caajiska, cagajiidka beenta, xanta dhabcaalnimada, fulaynimada quusta, caalwaanimada xatooyada, eexda wax-sheegsheegga, diradiraha iyo qaar kaloo badan aan halkan lagu soo wada magac dhebi karayn imminka.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee London maxkamadaha lasoo taago, ama xarig lagu xukumay jeelasha lasoo jiifa, markaad u fiirsatid dembiyada lagusoo oogayo ee ay galeen inta badan inay shaqa-la’aantu si weyn uga dambayso ayaa kuu caddaanaysa.  Sidoo kale, iyana kuwa tireenka isu dhiga ama webiga isku tuura ama siyaale kale isu dila ee isu deldela, iyana waxaad arki kartaa in qulubka ku dhacay iyo mugdiga adduunka kaga habsadey ee naftooda iyo nolosha nacsiiyey, si kasta ha lagu fasiree ay kolleyba shaqa-la’aani u wehelisey.

Muranka, is-afgaranwaaga, iyo is-qabadka qoysaska ku dhaca iyagana boqolkiiba sagaashan waxaa si weyn loogu aanaynayaa shaqa-la’aan odaygii guriga haleeshay oo cidla’ ku curyaamisay.

Wiilka shaqaysta, wiilka tababarka qaata, iyo wiilka waxbarashada ku fooggan waxay hawlahooda ka kasbadaan yuhuun aad u sarraysa oo cillado badan ka baajisa.

Maskax fiyaw, jidh caafimaad qaba..yuhuun wacan, rajaqab  fiican, Runlawnimo, deeqsinimo, dulqaad, dad la dhaqan  suubban, dabcisami, degganaan iyo in badan oo kale oo la bah-wadaag ah waxaa wada kaba idil ahaantood oo micnahaa lagu diirsado u yeelaa waa shaqada.  Hadda shaqa kasta ma aha ee waa tan xalaasha ah, xariirta ah ee xaqa ku dhisan.

Hadal iyo dan,Shaqadu waa nolol, Shaqadu waa sharaf, Shaqa-la’aantuna waa nolol-la’aan.  Waana sharaf la’aan.

F.G:Barnaamij BBC-da ka baxayay ayaa (sannadkii 2000) saddex daqiiqo lay siiyay aan  mawduucaan rabo ka jeediyo.‘Shaqada’ ayaan doortay.

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.