Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tiraab-curinta Toolmoon: Qoraallo Gaagaaban

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Daandaansi  oday  iyo wiil  digtoon

Nin baa wiil iyo gabar wada fadhiya ku soo baxay.  Labadaba waalidkood si fiican ayuu u garanayey.  Wiilka aabbihii iyo ninka xunguruf ayaa ka dhexaysey; dhallinyaraduse lama ay socdaan.  

Ninkii intuu labadoodii salaamay ayuu u raaciyey:
‘ Isu kay sheega..ilma ayaa tihiin?’
Gabadhii ayaa aabbaheed sheegtay.  Maashaa Allaa! Iyo ammaan ayaa ninkii dabada u qabtay gabadha iyo waalidkeedba.  

Kolkaas ayuu wiilkii ku soo jeestay oo ku yiri:
‘ Adiguna, ina kumaad tahay?’
Wiilkii aabbiihi ayuu sheegay.  Ninkii intuu iska yeelyeelay sidii qof aan weligiis magacaa hore u maqlin, ayuu si qabow oo yasidi ku jirto, iskana dhigaya inu isagu isla hadlayo, ayuu yiri:
‘ Gobi waa tan la garto.’

Wiilka oo ninka micnihiisa iyo duurxulkiisu markiiba u baxay, ayaa ku celiyey: “ Aniga waxay ila tahay.. gobi waa tan wax garata.

JIILAAL

Bishii  Noofambar ayaa London noogu soo gashay.  Xagaa damcay inu geesa bixiyo ayay soo af-jartay.  Si weyn ayaa looga raystay dhidid iyo dhegdheggiisa, daal iyo caga-jiidkiisa, caro iyo camalxumadeeda.

 Maalmahan iyadoo aan weli casar la gaarin, ayaa daruuri cirka isdhaamisaa oo isku jiq siisaa.  Jawiga ayaa dhaxan qaboobi isbuuxisaa.  Baabuurta ayaa nalalkooda shita, saacado ka hor iyadoo aan qorrax-dhac la joogin.  

Xilligan oo kale, dadku waxay caado u leeyihiin inay soo xidhaan dharkii qaboobaha loogu tala-galay.  Mana illaawaan inay dallado qaataan, say uga gaashaantaan jawiga Ingiriiska ee aan cidina cimiladiisa sii sheegi karin siduu isu geddin doono iyo goor uu da’i doono toonna.  

Inta dibed-baxa dantu ku khasabtay iyo kuwo iska jecel inay ka niib keenaan waxa jawigaasi la gurxamaayo, midkoodna anigu kama tirsani.

 Waxaan door bidaa in aan roobabka da’aya, cirka qawdhamaya, dabaylaha fooryaya, iyo shimbiraha buulashooda ku cararaya inaan daaqadda gurigayga ka fiirsado, anigoo u qashuucaya baaxadda ay dabiicaddu leedahay, lana cajabsan gadgaddoonka awooddeeda.

LOOLLAN 

DUNIDA aynu ku nool nahay dhererkeeda, dhumucdeeda, iyo qaradeeda, marka la fiiriyo kawnka ku weegaaran, waxaa lagu qiyaasaa inay kaga aaddo irbad caaradeed wax ka sii yar.  

Taariikhdu waxay caddaysay dunideenan aynu u jeednaa, siday maanta u taal, dadkeeda, duunyadeeda, degaankeeda, iyo cimiladeeda kala nooca ahi mar qura in aanay ku iman.  Kumanyaal malyuun oo sano ayay ku soo gaartay xaaladda ay eegga ku sugan tahay.  

Qoyanta badda iyo qallaylka dhulka ayaa ugu weyn inta ugu hor abuurmay.  Dhaxan samhariira ka qabow ayaa bilawgii labadooda kor saarraa.  Gudcur damdaguugan ahina sida bustaha ayuu ugu hullaabnaa.  Midiba meesheeday yuururtay, ku yoongaysnayd, girifgirifna awoodi karayn, jeer fallaaro xiimaya oo dab xanbaarsani qorraxda kaga yimaaddeen oo tartiib tartiib uga xayuubiyeen cullaabtii dusha ka fuushay.

Wahabkii ayaa kolkaas ka duulay.  Indhihii ayaa u dillaacay, agagaarkooda ayay fiiriyeen.  Mid waliba baaxaddeeda ayay markii ugu horraysay aragtay, isu bogtay, ismahadisay oo isla baxday.  Labadoodii ayaa isu muuqday, isu bo’ay oo isku baxsaday.  Midiba tan kale inay dunida ka tirtirto ayay goosatay.  Dagaal iyo loollan joogtaysan aan kala go’ lahayn, damayn, hakanayn, daalayn, nasanayn, wahsanayn, mar kasta dardar hor leh soo curinaya ayaa ka dhex aloosmay.  

Labadaas garba-weyne ayaa isqabdhaafay, quwad isu sheegtay, keligood isla qooqay, isu qaatay in aan wax la baaxad ahi ifkaba jirin jeer QOFKU yimi adduunka xilli aan dhowayn, dhawr malyuun oo sano ka hor. 

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.