Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tiraab-curinta Toolmoon: Qoraallo Gaagaaban

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

DUCO HOOYO

Hooyo wiilkeeda oo safraya usii ducaynaysa ayaa tidhi:
Hooyo, belaayada hore riixan..
Tan dambe reeban..
Tan sare raaran..
Tan hoose radeeban..​
Tan hareeruhu rooran..
Jidku toobiye, qorraxdu dallaalimo, dadku aabbe iyo hooyo.

Xilligu waa xagaa dheeraaday oo kulaylku geesa bixiyey, dhulku abaar yahay, colaad xumina carrigaas saamaysay.

Meesha iyo degaanka, doogga, biyaha iyo raxmaadku way ku yar yihiin. Waxaa lagu nool yahay dhul cagaag badan oo sogsog iyo qodax miidhan, waddaduna qalqallooc iyo qardajeex tahay.

Waa sababta keentay in hooyadaas beerka nuguli wiilkeeda nabadgelyadiisa, Ilaahay ka sokow, ku aamini weydey waxaan aabbe iyo hooyo ahayn.

Colaaddu cid kaleba iska daaye, sokeeyaha laftiisa ayey dhex mari kartaa. Goobtu waa Geeska Afrika iyo carri noloshu ay guur-guur iyo geel-qaad ku caan tahay.

Meeshaa, xilligaa, iyo cimiladaa haddii laga fogaado oo Yurubta Waqooyi  magaalooyinka waaweyn waqti jiilaal ah la beegsado, waxaa loogu tegayaa waddooyin laami ah oo quruurux hadalkii daaye aanad saxar ku arkayn.

Qorraxda fallaaraheedu aanay dhulka soo gaarayn, meelaha qaarkoodna lix biloodba iyada lafteeda indha la saarayn.

Kolkaas ducadii ahayd..» Jidku toobiye, qorraxdu dallaalimo». Saw markan uma muuqan karto marka loo sheego dadkan Yurub ku cawl-cawlmay, ee coodh-coodhay diirrimaad qorrax la’aantood…’ hawraar habari tirisay.’

Wax waliba meeshooda, xilligooda, iyo duruuftooda ayey micne iyo murti ku yeeshaan.

MADOWGA iyo MUGDIGA

Midabbada siyaale badan oo kala duwan oo la kala jecel yahay  ayaa loo fasiraa, lagu macneeyaa, oo looga faashadaa.

Cagaar… Casaan… Buluug… Caddaan… Madow… Hurdi  waa midabbada ugu caansan ee dalalka adduunku maanta astaamaha calamadooda ka dhigtaan.  Misna midabbadaa laftooda waa laysku takooraa oo colaad ba’ani ka dhalataa.

 Guudahaan micnaha loo kala yaqaan haddaan wax ka taataabanno:
Cagaar… waa doogga, dhirta, iyo beeraha badarku ka baxo ee indhuhuna ku doogsadaan, calooshuna ku baahi beesho.

Casaan… waa midabka gobanimada. Waa ficilada.. waa dhiigga wadnaheenna waraabiya ee la’aantiis nololi jirteen.

Buluug…  waa cirka guudkeenna dhisan iyo cimiladiisa aan salkooda lasoo taaban karayn.  Waa badda iyo barwaaqada uurkeeda jiifta ee baaxaddeeda lasoo koobi karayn.

Caddaan. waa calaamadda nabadda iyo wadajir-ku-wada-noolaadka. Waa cuddoonaanta, in kastoo haweenka Soomaaliyeed caado u lahaan jireen inay mara cad asay u qaataan marka ay geeriyi ku timaaddo saygooda.

Madow…  waa carra-santa uu saraca iyo abuurka ugu wanaagsani ka baxo. Waa midabka lagu tilmaamo barwaaqada dhulka ku jirta sida macdanta iyo batroolka.

Madowga iyo mugdigu waa kala kaan.  Waxba ma wadaagaan. Halka madowgu ka mid yahay midabbada ugu caansan ayaa mugdigu yahay midab la’aan iyo muuqaal la’aan.  Labadu waa isku liddi aad u kala durugsan.

Xaaji Maxamed Xuseen ayaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kasoo degey. Baabuur tagsi ah ayuu soo raacay oo magaalada soo galay.  Urur uu madaxdiisa  guddoomiye u ahaa horese u arag xaruntiisa Hargeysa ku taal ayaa loosoo tilmaamay.. ugu dambayntii wuu soo gaarey.  Wuxuu u yimid rag aqal fadhiya oo goor fiid ah laambad gaas ah iftiinkeeda jaad ku cunaya.  Raggii markay Xaajigii garteen ayey mar qura isla oogsadeen, iswada taageen oo salaan ku boobeen.  Xaajigii wuxuu ragga weyddiyey;

“Sidee wax yihiin ?  Maxaa gudcurkan idin dhigay?”

Waxay ugu jawaabeen: ‘Xaaji waa yaabban nahay!’

Kolkaas ayaa Xaajigu raggii baalku ka qoyannaa niyadda ugu dhisay:
“Waa roon tihiin intaad weli yaabaysaan ee aan yaabkaba laydin ka qaadin. Ee dhegaysta, dadku iftiinka iyo ilayska ayey soo raacaan ee mugdigan ka baxa oo nalka shita.” Maalintaas ayaa raggii laambad lagu jaado ugu dambeysey.

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.