Thursday, December 26, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tayeynta iyo Xallinta Caqabadaha Waxbarashada Soomaaliya

Dr. CabdiNuur Sheekh Maxamed

Qoraalkaan wuxuu diiradda saarayaa caqabadaha waxbarashada dalka ka jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, loona tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya. Talooyinka xalka lagu raadinayo ee qoraalku uuu diiradda saaraayo waxay qeyb ka yihiin talooyin lagu qoray buug kol dhow soo bixi doona oo waxbarashada looga hadlayo oo la yiraa “Macallinkeen Allow Kaal”.

Ardey, waxbarashada Dugsiga Hoose/Dhexe, Soomaaliya

Sida la wada ogsoon yahay waxbarashadu waxay u nugushahay khilaafaadka siyaasaddeed, culaysyada dhaqaale iyo xasillooni-darrada soo foodsaara bulshada. Walow burburkii dalka kadib, la isku dayey in aysan waxbarashadu hakad gelin oo aysan joogsan, oo ay dad badan u dhabar-adeygeen, haddana waxaa weli ku geedaaman caqabado u baahan in laga hor leexiyo, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho gaarsiisa mustaqbal ay la jaanqaadi karaan jiilkooda ku nool Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba.

Caqabadaha hor taagan waxbarashada dalka oo ay hay’adda la yiraahdo “Fortune of Africa” horay wax uga qortay waxay sheegeysaa in ay yihiin: 1) khilaaf siyaasaddeed uu dib u dhigay waxbarashada; 2) goobihii waxbarashada ama dugsiyada oo aan dalka ku filnayn; 3) dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada oo aad u yar; 4) baahi weyn oo ka jirta in la helo macallimiin tayo leh oo tababaran; iyo 5) baahi badan oo ka jirta in ardaydu helaan goobo ay jimicsiga iyo ciyaaraha ku bartaan (Gym/sports).

Waxaa sidoo kale qaba hay’adda waxbarashada caalamka ee loo yaqaan “Global Partnership for Education (GPE)” oo ah hay’ad ay ku midoobeen deeq-bixiyayaasha dhaqaalaha caalamiga oo taageera Soomaaliya, oo ay  leedahay xaalladaha colaadda iyo siyaasadda aan fadhiyin darteed ayaa culays dheeri ah ku keentay waxbarashada ka jirta “koofurta dhexe” (South Central) oo ah magaca loo yaqaan dhulka ay maamusho Dowladda Federaalka, halka Puntland iyo Soomaaliland ay nabad iyo xasilooni siyaasaddeed ka jiraan, taas oo horseedday in ay kor u kaceen tirada ardayda dugsiyada ku jira (school enrollment).

Waxay intaa raaciyaan dib u dhiska waxbarashada ee “koofurta dhexe” in uu dhaqan-galkeedu yaraa, fursadaha waxbarasho dowli ah oo ardaydu helaan uu koobnaa, maadaama dugsiyada ay badankood gacanta ku hayaan hay’ado gaar loo leeyahay.

Waxaa kaloo jira in tayada waxbarashada ay liidato maadaama macallimiinta tababaran ay yar yihiin, manhajyo badan oo kala duwan ay jiraan, dhismaha dugsiyada oo aad u liita, iyo awood yari jirta in lagu haqab tiro baahida baahsan ee jirta. Waxyaabaha la isku dayey in la qabto oo xaaladda wax ka beddeli kara waxaa ka mid ah in la mideeyey manhajka waxbarashada “koofurta dhexe” iyo in la dejiyey imtixaan heerkiisu ka tarjumo in ardaydu ay ku najaxeen manhajka loo dejiyay.

Warbixinnadaas iyo kuwa kale waxay sheegayaan in arday ka badan 3-5 million ay banaanka ka taagan yihiin waxbarashada, kuwaa oo loo yaqaan (out-of-school children) oo da’doodu u dhaxeeyso 5 jir ilaa iyo 25 jir oo u baahan in ay waxbarasho toos ah ama mid dadban oo ay xirfad ay ku shaqeeystaan ka helaan.

Waxaa xusid mudan in waxbarashada dlaka ay maalgeliyaan waalidka Soomaaliyeed oo bixiya inta ugu badan kharashaadka waxbarashada ubadkooda. Waxaa waalidka soo labeeya hay’adaha deeq-bixiyayayaasha oo markaa ay dowladdu soo geleyso doorka saddexaad. Marka la isku fiiriyo dakhliga waxbarashada ee dowladaha Geeska Afirka waxaa cad in Soomaaliya ay ugu hooseeyso maalgelinta waxbarashada.

Waxaa muuqata in caqabadaha waxbarashada dalka oo aysan siyaasad ka marneyn ay u baahan yihiin xal waafiya oo dhidibada u taagi kara waxbarasho aragti fog ku saleysan oo tayo leh oo soo saarta jiil cusub oo aqoon, xirfad, iyo kartiba leh oo ay ku difaacaan diintooda, dadkooda iyo dalkooda.

Si loo gaaro waxbarasho dhameeystiran oo soo saarta muwaadin dhan walba ka dhisan, waa in la diyaariyaa halbeeg waxbarasho (educational standards) oo ay hiigsadaan heer walba oo waxbarasho taasoo horseedeysa natiijo (outcome) dalku uu ku gaaari karo hiigsiga caalamiga oo yoolka 4aad ah (SDG4) taas oo dalka u horseedeysa waxbarasho tayo leh oo afka qalaad loogu yaqaan “Sustainable Development Goals” (SDGs).

Si horumarka waxbarashada la hiigsanaayo loo gaaro, waa in laga hawlgalaa dowlad iyo shacab-ba, sidii caqabadaha hortaagan waxbarashada looga horqaadi lahaa, oo wadatashi looga sameyn lahaa sida ugu wanaagsan ee ardayga mustaqbalka loo diyaarin lahaa kaas oo leh aqoon iyo xirfad uu ku shaqeysto, faham guud uu adduunka kula macaamilo, garasho dadnimo iyo halka uu ka soo jeedo, iyo difaaca mabaadi’diisa, qarankiisa iyo diintiisa.

Run ahaantii, waxbarashada oo la tayeeyo waxay u baahan tahay dhaqaale baaxad leh oo ay shacab iyo dowlad-ba ugu talogalaan dhisidda mustaqbalka jiilka dambe oo qeyb ka ah horumarinta dalka oo lagu bixiyaa dhaqaale mug leh. Kharashka dowladda Soomaaliyeed ay ku bixiso waxbarashada waxa uu aad uga hooseeyaa qoondada 20% (Gross Domestic Product) oo uu caalamku ku heshiiyey in ay dawladuhu hiigsadaan oo aanan laga hoos marin. Waxaa isweydiin mudan miisaaniyadda Soomaaliya ay ku bixiso difaaca iyo amniga iyo midka lagu bixiyo waxbarashada, wuxuu kuu muujinaaya meesha ay Soomaalida shacab iyo dowlad-ba muhiimadda maanta ay u arkaan taas oo ah difaaca qaranka.

Hase ahaatee difaaca runta ah ee qaranku waa dhisidda mustaqbalka dhalinta Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta halis ugu jira in ay kooxaha argagaxisada dhaqaale iyo fursado kale ku jahawareeriyaan.

Talooyin:

  1. Maalgelinta Waxbarashada

Si loola jaanqaado adduunweynaha loona helo waxbarasho tayo leh oo miradhal ah, waa in si mug leh kor loogu qaadaa qoondada waxbarashada ee miisaaniyadda dowladda oo lagu muujiyaa muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay Soomaaliya. Dhaqaalahaasi wuxuu noqon karaa mid ka yimaado canshuurta dadka laga qaado iyo mid lagu helo taageerada ay bixiyaan deeq bixiyayaasha caalamka. Si kastaba halagu helee, dalku wuxuu u baahan yahay miisaaniyad waxbarasho oo laeeg 20% waxsoosaarka gudaha (GDP). Waxaan shaki ku jirin in kharashaadka ardayga ee loo yaqaan (per pupil expenditure) uu la eg yahay $200 ardaygii halka dunida horumartay ay ku bixiyaan $10k-$20k arday walba sannadkii, walow dowlado badan oo Afrikaan ah aanay dhaqaale badan ku bixin waxbarashada sida Soomaaliya oo kale.

Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya- sannadka 2023

Wasaaradda Waxbarashada$34,790,679
Jaamicadda Ummadda Soomaaliyeed$7,210,149
Akademiyada Fanka iyo Sayniska$1,416,071
Akadamiyada Afsoomaaliga$1,363,256
Wasaaaradda  Caafimaadka$83,619,836
Wasaaradda Beeraha$1,966,556
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa$6,136,434
Wasaaradaha Difaaca iyo Amniga$197,137,749
Tixraac: MOF.GOV.SO

Shaxdaasi waxay muujineeysaa miisaaniyadda wasaarado kooban oo runtii muujinaaya muhiimaadda dalku uu siinaayo difaaca qaranka marka loo barbardhigo wasaaradaha ugu waxsoo-saarka badan dalka oo ah waxbarashada, caafimaadka iyo xanaanada xoolaha oo ah halka oo ka kobco dhaqaalaha dalka.

  1. Waddaniyadda iyo Hirgelinta Afsoomaaliga

Manhajka waxbarashada dalka oo heer walba leh kama muuqdo barnaamij ardayga lagu baraayo waddaniyadda, Soomaalinimada iyo mas’uuliyaadka muwaadhinka ka saaran dalkiisa iyo xuquuqda uu ku leeyahay-ba oo afka qalaad lagu yiraa “civics education”.

Soomaaliya waxay waqtigan xaadirka ah la daalaa-dhaceeysaa fekredo khaldan oo qabali ah ama ay horseed ka yihiin quwado wadajirka Soomaalida ay dhibeeyso. Dadkaasi waxay shacabka u xumeynayaan waddaniyadda, iyagoo tooda ku dheggan, oo ka dhigayaan waddaniyadda wax khayaali ah, islamarkaana buunbuuniyaan ma’baadi qabali ah ama aragti dhow oo goboleysi ku saleysan. Waa muhiim in awoodda la isugu geeyo in shakhsiga Soomaaliga ee mustaqbalka la baro waddaniyadda, si uu u yeesho mowqif adag oo shacabku ku mideysan yahay oo lagu ilaaliyo jiritaankiisa iyo qarankiisa Soomaaliyeed. Dadka qaar baa ku doodda in xukuumaddii militariga ah ay ardayda iyo shacabka-ba baraysay waddaniyad, haddana la waayey raadkeedii markii burburka ka dhacay dalka sannadkii 1991-kii. Waxaa la dhihi karaa xukuumaddaasi waxay awoodda saartay taageeridda mabaadi’da kacaanka oo ay horumarineysay ee lama imaan qorshe barbaarin iyo kobcin waddaniyad oo mucaarad iyo muxaafidku raali ka wada  yihiin  ayna ka wada arkaan jiritaankooda iyo difaaca qarankooda oo aan ku koobneyn xukuumadda markaa jirta.

Halkan ka khri maqaalka oo dhan: Tayeynta iyo Xallinta Caqabadaha Waxbarashada Soomaaliya

Dr. CabdiNuur Sheekh Maxamed  
www.Dowladwanaag.org


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.