Nin farsamayaqaan ah oo taqasus dheer ulahaa faryaamada iyo dhismaha guryaha, ayaa wuxuu gaadhay xilligii uu geli lahaa hawlgabnimo da’ lasoo deristay awgeed. Qoladii uu u shaqeynaayey ayuu ku wargeliyey in uu shaqada ka fadhiisanayo maadaamo uu cagacageynaayo da’ aad u weyn, isla markaana uu doonaayo in inta ka hadhay cimrigiisa uu ku noolaado deganaansho iyo raaxo aan rabash lahayn. Waxa keliya ee uu tebi goortuu shaqada ka fadhiisto, ayaa waxay ahayd lacagta mushaharada ee uu u qaadan jiray sida aan kala go’ lahayn.
Qoladii uu u shaqeynaayey, ayaa waxey ka codsatay, kana dalbatay in uu hal guri oo keliya uu u dhiso inta uusan shaqada ka fadhiisan. Farsamayaqaankii wuu ka aqbalay codisgoodii inkastoo uu ku wargeliyay in shaqadaasi ay noqon doonto shaqada ugu dambeysa ee uu faraha la gelayo kadibna uu shaqada ka fadhiisan doono ayadoo soo laabasho dambe aysan jiri doonin.
Maadaama uu niyadda ku hayey aayatiin wacan, nasasho iyo nolol barwaaqo leh oo dambe, farsamayaqaankii ma uusan siin wax tixgelin ah shaqadii la faray. Wuxuu noqday qof maankiisu maqanyahay oon wax kala ogeyn. Wuu gaabiyay oo xirfaddii lagu yaqiin maanu muujin. Si qalqaloocan ayuu hawshan dambe u farsameeyay. Micnaha wax dareen ah ama jaceyl uma uusan hayn. Mar uun iska dhammeystir oo dedeji ayuu islahaa. Qalabka uu wax ku dhisayey ayaa wuxuu ahaa mid tayo xun. Waa nasiib darro in gebagebadii shaqada uu si xun uqabtay asagoo fiiro gaar ah siin oo aan ka baarandegin wuxuu falayey.
Hawlihii guri dhiska markuu bogay, ayuu wacay qoladii si uu guriga isaga wareejiyo. Qolooyiinki markey yimaadeen, ayey ku wareejiyeen oo farta ka saareen waraaqo muujinaya in asaga milkile ka yahay guriga. Waxaa loo siiyay abaalmarin ahaan maadaama uu shaqo wanaagsan soo qabtay intuu qolyahaasi u shaqeynayey. Waxaana lagu yidhi goortii waraaqaha lagu wareejinayey, “kan waa gurigaaga, waana haddiyad.”
Farsamayaqaankii wuu naxay, wuxuuna isu arkay nin fadeexoobay. Keliya hadduu ogaan lahaa guriga uu dhisayey in uu yahay gurigiisa, wuxuu sammeyn lahaa dadaal dheeri ah oo wuxuu taagi lahaa guri aan dunidan lagu arag ama abidkiis uusan dhisin
Hawlaheenna adduun waxaa lagu matali karaa shaqada farsamayaqaankan oo kale. Allaah wuxuu dunidani noo keenay in aan caabudno si guryo aan dhaxalno uu jannada nooga sameeyo. Haddaba, waa inaan udiyaargarownaa sidaan ku hantiyi lahayn jannooyiin iyo guryo kuyaal meel aan lahayn geeri iyo rafaad dambe.
Adan Makina
WardheerNews
Email: Adan.makina@gmail.com
Leave a Reply