Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Taxanaha Aadan Makina: Ma Ogtahay in Xaaskaaga Aabbaheed Kabotole Yahay!

Horta Yaa Midgaan ah?!

W.Q. Aadan Makina

Waa yaab, Yaabka yaabkiisa iyo amakaag in Soomaalidu ay dhaqan kadhigato waxyaabo aanan habboonayn, loona baahneyn sida heybsooca dad walalahood ah oo ayaga la midab ah, la dhaqan ah, la af ah, la diin ah iyo weliba la deegaan ah. Dhaqamadani soo jireenka ah waxay sababeen in dad badani oo Soomaali ah laga sooco Soomaali inteeda kale ayadoo loo aaneynayo ficilo hore oo aan la hubin iyo kutidhkuteen jiilba jiil u soo gudbiyay. Dhaqankan damiir xumada iyo liidnimada ku dhisani wuxuu noqday summad ama shaabad dadka lagu kalasooco sida xoolaha oo kale.

Ku dhaqanka falkan gurracan waxaa suulka ku duugay odey dhaqameedyo cayaarayey doorka qaadi iyo qareen, kuwaaso lahaa go’aano kama dambeys ah, oo innaba ha yaraatee, dhan kastoo loo eegaba, aan laga weecan karin, sababtayna inay soo marto marxalado kala duwan soona jiitanto muddo badan ilaa sabankani aynu joogno oo aysan jirin wax  is-hortaaga shacab iyo dawlad midna.

Waxaa la yiri, sida aynu ka dhuuxeyno sheekooyinka Soomaaliyeed ee taxanaha ah ee soo jireenka ah: beri baa labo wiil oo walaalo ah sahmiyey. Markay dhowr maalmood socdeen ayey lakulmeen ayagoo gaajeysan neef geela oo bakhtiyey. Labadiiba si fiican ayey uga dhergeen hilibkii bakhtiga. Saddex cisho kadib ayaa mid iska matajiyey. Waxay muddo maqnaadaanba, waxay kuso noqdeen deegaankoodi halkaaso ay uwarrameen aabbihii dhalay. Odeygii wuxuu lacnaday (habaaray) kii aan iska matajin wuxuuna uduceeyay kii iska matajiyay. Ilaa iyo immika, kii diiday inuu iska matajiyo waxaa loo yaqaan midgaan waana la takooraa. Dabcan, waa qisadii horseedday ‘laan dheere’ iyo ‘laan gaab’ ee aynu faraha kula jirno ilaa iyo immika.

Gabdhaha kasoo farcamay odayada la faquuqay weligood guur kama helayaan Soomaalida inteeda kale. Faraciisa dadku lama degaan, wax lama wadaagaan, wiilashiisuna kama guursan karaan Soomaalida kale. Bal aan isweydiine, cunto calool maku jiri kartaa muddo saddex maalmood ayadoon dheefshiidmin? Jawaabtu waa maya? Halkani waxaa kaaga muuqan in xukunkani haddii ay tahay sida la sheego uu ahaa mid jahli ah oon laga baaraan degin macan weynna ku dhisnayn.

Aan idinka waramo qiso kaloo la yaab leh oo hadda kahor kadhacday Kismaayo.

Nin Talyaani ah ayaa wuxuu magaalo-xeebeedka Kismaayo ku qabay gabadh ka dhalatay dadka laga tiro badanyahay. Ninkani ajaanibka ahi marwadiisa aad iyo aad buu ujeclaa. Maalin maalmaha kamid ah ayuu lakulmay gabadh ‘laan dheere’ ah taasoo ku tiri:”ninyahaw wax makuu sheegaa”? Markaasu ku yidhi “haa, soo daa sheekada”. Waxay ku tiri, “ma ogtahay in xaaskaaga aabbaheed yahay kabo tole”? Markaasuu ugu jawaabay, “maya”. “Haye, dee intaasi umbaan rabay inaan kuu sheego” intay tiri ayey isaga dhaqaaqday. Gabadhani nasab-kusheegga ah waxay rabtay in ay ninkani dhaafsiiso xaaskiisa oo ayadu ay dhaxasho.

Markuu ninkii Talyaaniga ahaa usii socday gurigiisa, umbuu galay isla hadal. Waxaa cajabiyay hadalkii gabadha ee ahaa in soddogiisa yahay kabo tole. Goor dambe markuu gurigiisi tegey ayuu weydiiyay xaaskiisa bal inay uga warranto in wax farsamo ah aabbaheed takhasus uleeyahay. Waxayna usheegtay sidiiyo kale. Qaddar yar kadib, wuxuu ninkii Talyaaniga ahaa soo booqday soddogiisa oo uu ugu tegay coosh uu kabaha ku farsameyn jiray oo ay uyaaleen qalab duugoobay.

Dhowr bilood kadib ayuu ninkii Talyaaniga ahaa aaday dalkiisi hooyo siiba magaalada Napoli oo lagu yaqaan tumaalnimada. Wuxuu duqii usoo gaday qalab casri ah oo lagu tolo kabaha, qalabkaasoo si dhaqso ah uga haqabtiray baahidii badnaa. Odeygii wuxuu shaqaaleeyay dhalinyaro badano meherad la’aan ahaa, waxaana odeygii shakhsi ahaan soo galay dakhli aad uweyn.

Qisadani waxay innoo muujinaysaa sida ay ummaddaha kale u qiimeeyaan dadka farsamoyqaannada ah ee bulshada waxtarka weyn u leh, halka haddii aynnu Soomaali nahay farsamoyaannimadu tahay wax la isku yaso oo la isku takooro.

Bal aynu usoo noqono waxan Soomaalida ay diin kadhigatay ee loo yaqaan heybsooca. Waxaa jira qabiilo waaweyn oo faro kutiris ah oo aan sidaasi udaneyn heybsooca, waayo waxay leeyihiin habab kaloo ay uladhaqmaan dadkani dulman. Waxay u ogolaadaan inay sheegtaan kuna abtirsadaan qabiilka markaasi tirada badan. Kuwa la haybsooca hablahoodu waa la guursadaa laakiin raggoodu maguursadaan kuwa isku sheega nasab.

Ilaahey wuxuu Qur’aanka ku qeexay in bani’aadmiga simanyahay oon lakala sarreyn. Dhammaan waxaa laga soo farcamay Nebi Aadan (CS). Wax kasta oo nool waxaa laga abuuray biyo. Marka maxay kudhacday in qoys, qoys kale iskaweyneysiiyo? Sow ayaga ma aha kuwa sameeya ableyda, waranka, midida, looxa, kuusha, iyo iwm? Maxay kudhacday in la takooro dad qurux badan, xoog badan, oo cid waliba ka ishaqo badan? Goormaa la waantoobayaa? Goormaa garasho layeelanayaa?

Horta hala ogaado in Midgaanku yahay kan jannada laga waayo. Midgaanka waa kan colaadda badan; waa kan aan xishoodka lahayn; waa seef laboodka; waa diradiraalaha aan harsan har iyo habeen; waa kan aan sadaqada bixin salaadiisuna ayan kaamil ahayn; waa weji macbuuska aan sarriigta lahayn; ugu dambeyna waa kan ibliiska ku adeegto.

Qofka iimaankiisu aannu dhammeyn waxaa lagu yaqaan isla weyni, kibir, qalqalooc, aammin darro, gooni-isutaag, anshax xumo, qoqobid iyo kalasooc, garasho yari, ibleysnimo, iyo ixtiraam la’aan. Waxaa hubaal ah in Soomaali badan sheegtaan inay yihiin Midgo si debedaha looga qaabilo.

Guntii iyo gebagebadii waxaa iga fariin ah: Soomaaliyey waa inaad ka towba keentaan dembiyadani xad dhaafka ah ee aad ka gasheen walaalihiinan aan waxba galabsan, waaana inaad la imaataan sifooyiin wanaagsan oo raali geliya cid kastood heybsoocdaan una diyaar garowdaan sidii laysku guursan lahaa loona heli hal ummad  kusocota dariiqa toosan ee kuwajahan jannadii naloo ballanqaaday.

W.Q. Aadan Makin
WardheerNews
Email: [email protected] 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.