Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tarxiilka iyo Boobka Maamulka Somaliland Laascaanood Ka Geystay Waa Fal Dambiyeed

W.Q. Liibaan Axmad

Maamulka Somaliland oo dadka  Soomaaliyeed Koonfur Galbeed ku boobay kana tarxiilaya Laascaanood

Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed laga tarxiilay, laguna boobay qaarkood, waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono. Waa ayaandarro in siyaasiyiinta sida Cabdirisaaq Khaliif, oo weli dhalashadiisii Soomaalinimo sita, iyo Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir, oo isna magaca Soomaaliya wax ku soo bartay welina haysta sidoo kale dhalashadiisa Soomaaliya, ay raalli ka noqdaan in maamulka Somaliland ka musaafuriyo Laascaanood dad Soomaaliyeed. 

Miyay ku raacsan yihiin hadalka taliye ku sheegga booliska ah” “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale, waanna ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxba nagama gelin, waxaanu nahay Somaliland” ? Iyaga ayaa ka mas’uul ah miliishiyada maamulka Somaliland u qoran. Maxay wadaaddadu iyo madaxdhaqameedku uga aamusan yihiin gefka loo geystay dad Soomaaliyeed oo dhulkooda ku nool?

Dhammaadkii afartamaadkii diidmo ayaa lagala hortagay dadkii xafiiskii SYL ka furay Hargeysa. Dhowr sanadood kaddib, 1954kii, Biritishku wuxuu Itoobiya ku wareejiyay dhulka Hawdka waayo wuxuu Soomaalida waqooyiga u arkayay dad heshiisyadii lala galay la jabin karo. 1968kii Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dowladda  kana tirsanaa SYL ayaa London ka sheegay in dhulkii Soomaalida si qarsoodi ah Itoobiya loo siiyay. Haddii afartamaadkii aynu SYL taageeri lahayn xisbiyo gobanimoddoon samayn lahayn dhul Soomaaliyeed laguma dari lahayn. Qofka maanta qarannimada Soomaaliya diiddan  gefkaas dhacay waxba kama baran.

Sida aysan suurtogal u ahayn in qof soo toosay uusan ugu doodi karin inuu xalay dhalasho cusub yeeshay ama meeshuu ku sugan yahay ka tirsan tahay dal cusub, ayaysan sharci u ahayn in dad Soomaaliyeed magaalo ay maalgeliyeen si nabad ahna ugu noolaayeen laga tarxiilo. Waa sharcidaro in qof Soomaaliyeed laga tarxiilo meel ka mid ah Soomaaliya ama lagu qarantiro ( denationalisation).

Miliishiyada Somaliland ku sugan Laascaanood oo alaabta ganacsade la boobay ku raranaysa baabuur

Dadka la tarxiilay waa Soomaali wax ka dhisay dhulka, oo naftooda u huray inay dhulkan ka difaacaan halis badan, waa dadka dhulkooda nagu soo dhoweeyay markii abaartii Dabadheer ay nagu dhufatay toddobaatanaadkii. Intaas oo dhan waannu illownay oo ka fiirsasho la’aan ayaa innaga tanbadisay oo maanta magacii reer Waqooyi wuxuu noqday mid ku mataanaysan boob iyo qar iska tuurnimo siyaasadeed.  Waxa keliya oo caddaatay waa  in reer Waqooyigu weli maskax reer guraanimo ay sitaan inkastoo ay magaalo ku soo bateen. 

Hadal maalin dhoweyd Cabdicasiis Guudcadde, qoraa iyo tarjume, ka sheegay Hargeysa — in reer miyigii ay afgambiyeen reer magaalkii — ayaa dhab ah. Reer miyi isqabasho caan kuma aha; reer magaalnimaduna dhar la xidho ma aha. Waxay ka billaabataa in qofku kala garanayo hantidiisa iyo hantida qof kale. Maamulka Somaliland wuxuu ku sifoobay maamul budhcadnimo ku salaysan oo qaadanaya go’aammo kala sii xunxun. Waajib ayaa saaran maamulka Puntland inuu diiwaangeliyo dadka laga soo tarxiilay oo lagu boobay Laascaanood. 

Madaxweyne Muuse Biixi,  oo dhowaan sheegay in  Soomaali badan oo reer koonfureed ihi maalgashadeen Hargeysa, maanta wuxuu qaatay go’aan lagu boobay dad Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga. Si waddaniyad iyo bisayl siyaasadeed ka muuqato ayuu mudane Saalax Jaamac, Wasiirka Arrimmaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uga falceliyay gaboodfalka ka dhacay Laascaanood. “ Waxaan codkayga ku biirinayaa masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee ka falceliyey habka loola dhaqmay dadka koonfurta  ka soo jeeda ee ku dhaqnaa magaalada Laascanood.

Waxaan cambaaraynayaa aragtida ku dhisan ‘ciqaab wadareedka’, ee ay dhibi ku soo gaadhayso muwaadin Soomaliyeed oo  muruq-maal ah, gacansade yar oo aan waxba galabsan. Maamulka Somaliland, waa inay xeeriyaan  dhaqanka suubban ee Soomaalidu u leedahay in ay isu gooshaan meel walba oo Soomali degto. Sidoo kale waa in dadka maalkooda iyo hantidooda  la badbaadiyaa. Diinteenna Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo heeshiisyada xuquuqda aadanaha ee caalamku midna gar u siinmaayo Somaliland in ay dadka taxaabto oo ku xadgudubto xuquuqdooda dadnimo iyo Soomaalinimo. Wixii amnidarro iyo arrimo kale la xidhiidhana waa in ay ku koobnaadaan cidda faldembiyeed lagu tuhunsan yahay isla markaana xuquuqda qofkana la dhawraa” ayuu Saalax gacankiisa Twitter ku soo qoray. Wuxuu soo koobay waxa ka dhalan kara go’aammada lagu soo tarxiilay oo lagu boobay dad Soomaaliyeed. Waa fal dambiyeed kuwa galay lagala xisaabtami doono,  Muuse Biixi iyo kuwa la shaqeeya dadkoodii iyo naftooda ayay godob ka galeen. Waa in si degdeg ah loogu caqli-celiyo si ay isu qabtaan inta arrintu dabaqabasho leedahay si ralligelin iyo magdhaw loo siiyo walaalaheen Soomaaliyeed oo aannu boobnay oo dhulkooda hooyo ka tarxiilnay.

 Liibaan Axmad

[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.