W/Q Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
Waxaa soo baxaya xogo caddaynaya (UN reports) in dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah oo sharci darro ah tababar ciidan Ereteria loogu qaaday in loo adeegsaday dagaalkii Woqooyiga Ethiopia.

Waxaa gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada iyo bed-qabkooda, Dawladuna kama jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna ilaa hadda.
Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF”
ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.
Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.
Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah.

Madaxweyne Farmaajo oo ay amnigiisa gaarka ah ilaaliyaan ciidamo shisheeye oo Afrikaan ah waa fadeexad inuu wiilashii Soomaaliyeed u diro inay ku dhintaan dagaallo dad kale oo aan qusayn.
Arrintan waa in laga furo baaritaan madaxbannaan iyo dhegeysiyo dadweyne oo salkeeda lasoo xaaraa. Cidkasta oo si toos ah ama si dadban ugu lug lahaydna waa in lagula xisaabtamo.
Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo.
Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
Email: juxafarah@gmail.com
—————–
Juxa waa siyaasi horey u soo ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Puntland iyo Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Leave a Reply