TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

TALO SOOMAALIYA AAN KALA DAADIN: TALO SHARCI KU DHISAN

W/Q: Aqoonyanno Madaxbannaan (AM)

I. ARAR

Soomaaliya waxay maanta ku jirtaa wakhtigii ay caanka ku noqotay waayadan dambe ee astaanta u ahaa walwal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo if-bixi jiray xilliga kala guurka labo talis siyaasadeed. Bishii Setembar 2012, Shacabka Soomaaliyeed wuxuu isku raacay dastuur KMG, dalkana waxaa ka taabbagalay talis ama xukun dowlad rasmi ah oo la saaray waajib dastuuri ah in afar sano kaddib loo gudbo nidaam siyasadeed oo ku saleysan xisbiyo (Axsaab) kaaso u horseedaya in hoggaanka siyasadeed dalka lagula kala wareego kalsooni shacbi oo muwaadin kastaa ee cod doorasho leh uu xaq u leeyahay inuu doorto ciddii dalka uu ku aamini lahaa.

MADASHA-Wadatashi
Shirka wadatashiga Soomaaliya

Taasi ma suurtagelin, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) waxay 28kii ku dhawaaqday inaysan suura gal aheyn in doorasho hal qof hal cod ka dhacdo dalka 2016, waxaana maanta mar kale dalka oo dhan ku mashquulsan yahay wixii laga yeeli lahaa ku tala galka is-beddelka siyasadeed 2016. Eedda dhibaatada ka dhalatay fashalkaas waa arrin meel kale looga hadli doono. Hadda waxaa Ummadda Soomaliyeed horyaalla waajib aad u culus oo ah sidii ay soo xulan laheyd wakiilo/xildhibanno ku guuleysta hab waafaqsan sharci iyo nidaam la isku waafaqsan yahay kuna saleysan mabaadi’ida habka Dimoqradiyada sida daahfurnaan, sinnaan, ka hufan tuhun laalush, dhaqangal noqon kara, kana madaxbannaan faragelin, cadaadis, iyo taakuleyn ka timaada dowladda heer kasta ama xagga shisheeyaha qaab kasta. Bulshada Soomaaliyeed waxay aad uga welwelsan tahay dib ugu noqoshada habkii xulasho iyo doorasho ee dhacday 2012 taaso ay hareereeyeen musuqmaamuq, boob, eex, haween faqooq, iyo awood sheegasho siyasadeed, iyo adeegsi guddiyo farsamo iyo maamul aan laheyn hab sharci ee lagula xisaabtamo. Waxaa xaaladda sii murjiyay garsoor la’aan loo dacwoodo.

Sida darted, Annagoo ah aqoonyahanno Madaxbannaan (AM) oo ay gogol u fidiysay Dalladda Jilayaasha Aan-Dowliga Ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (loo yaqaanno SOSCENSA), waxaannu dareennay in waajib naga saran yahay in aan doorkeenna ka qaadanno talooyinka ku aaddan ka gudbidda xilligan xasaasiga ah.

II. DULMARKA TALOOYINKA LA SOO JEEDIYAY

Aqoonyahannada Madaxabanaan (AM) waxay yeesheen sagaal kulan, oo saddex (3) ahaayeen maalmo shaqo dhan. Waxaannu darasnay talooyin gaaraya ilaa iyo 14 oo laga soo jeediyay sida ay u dhici karto Doorasho toos ah oo ku saleysan hal qof iyo hal cod ama doorashada Dadban or Iskudhafan madaama Doorashada tooska aysan suura gal aheyn, talojeedinnaadaasoo oo ay qoreen Soomaali iyo ajnabiba. AM waxay si gaar uga dooday qabsoomidda Doorasho hal qof iyo hal cod oo ka soo qayb galayaasha qaarkood qabeen iyo kaalinta Xisbiyada Siyaasadeed Xilliga 2016, kaddibna waxay si qotodheer u lafagurtay talooyinka kala duwan lana xiriira doorashada aan tooska aheyn .
Dulmar kooban ee AM ku sameeyeen qorallada talojeedinta gaaraya 14 waxaa laga eegay 5 qodob oo kala ah:

1. Suurtagalnimda iyo surtagelid la’aanta in doorasho hal qof iyo hal cod ka dhici karto Soomaaliya Sannada 2016;
2. Aragtida laga kala qabo qaacidda awood qaybsiga qabiileed ee 4.5;
3. Noocyada Doorashada ee ay u kala qareemayaan talojeedinnada la darsay;
4. Meela/Cidda (constitutencies) xildhibannada dooraneysa oo wakiil ka yihiin lana xisaabtameysa;
5. Sida loo maamulayo doorashada/xulashada Xildhibannada

Waxaan hoos ku soo koobi doona nuxurka ayadoo uu jiro qoraal faahfaahsan ee laga sameeyay talojeedinnada. Waxaan hordhac ahaan u xuseynaa qoraalka 9kii Abriile 2015 ee Hay’adda Saxaradaha Caalaamka (International Crisis Group) oo tilmaamaya in ballaanqaadka Dowladda Federaalka ee ahaa in doorashada 2016 ka dhaceyso dalka uusan macquul aheyn, isla markaana talooyin ka soo jeediyay shuruudaha loo baahan yahay in la tixgeliyo nooc kasta ee xulasho/doorasho laga sameeyo dalka Soomaaliya sannadka 2016.

Halkan ka Akhri-  Warqad Mowqifeedka Aqoonyahanno Madax Bannaan

W/Q Aqoonyahanno Madaxbannaan