Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo Bukaan Kala Baxay Isbitaal

Muqdisho, Taliya Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho S/Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu soo warramayaa in uu bukaan xaaladdiisa caafimaad aad u liidatay kala baxay isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho oo lagu dawaynayay.

Bukaanka ayaa la sheegay in uu ahaa maxbuus xaaladdiisa waxaba lagaga qaban kari waayay Isbitaalka ku yaal xabsiga dhexdiisa, sidaana loogu soo gudbiyay Isbitaalka uu kala baxay taliyuhu.

Sida ka muuqatay Video lagu baahiyay baraha bulshada taliyaha oo wata ciidamo ayaa soo galay isbitaalka ka dibna la baxay bukaankaas oo lagu magacaabo Xasan Kurtun Calasow.

Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in 24 saacadood ka dib uu bukaankii ku geeriyooday xabsiga gudihiisa.

Qaar ka mid ah qaraabada marxuumkaas oo saxaafadda la hadlay ayaa dawladda ka codsaday in ay tallaabo ka qaaddo taliyaha ku kacay falkaas waxashnimada ah iyagoo codsigooda si toos ah ugu diray madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Khayre.

Qaraabada marxuumka ayaa sidoo kale sheegay in aanay aasi doonin maydka marxuumka illaa inta tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo taliyaha.

Illaa hadda lama oga sababta taliyaha ku kaliftay falkaas bani’aadanimada ka baxsan iyadoo isla markaana wax war ah oo arrintan ku saabsan aanay ka soo bixin xagga dawladda.

Hoos ka daawo muuqaalka dhacdadan naxdinta leh

https://www.facebook.com/somalinewstv/videos/669573510239089/

WardheerNews, Muqdisho.