Muqdisho (WDN) Taliyaha ciidamada Mareykanka Afrika (Africom) Gen. Michael Langley ayaa maanta soo gaarey magaalada caasimadda Muqdisho.
Taliska Africom oo ka mid ah 11-ka talis ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, ayaa mas’uul ka ah hawlgalada Afrika ee dhinacyada dagaalka, iskaashiga amniga, ka jawaabista xasaradaha degdegga ah, dhoolatuska, ilaalinta iyo sare u qaadista danaha Mareykanka ee gobolka.
Taliyaha ayaa kulan la qaatey Wasiirka Gaashaandhiga , taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya iyo la taliyeyaal ka socdey xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya dawladda Federaalka iyo hawlgalka Mareykanka Afrika, kaasi oo ku aadan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada loona xoojin lahaa hawlgalada ka dhanka ah.
Taliyaha ciidamada Africom ayaa balanqaadey in dawladda Mareykanka ay diyaar u tahay sidii ay u xoojin lahayd taageerada ay siiso ciidamada xoogga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab dhinacyada hawada ee dayuuradaha aan duuliyaha lahayn, la wadaagista macluumaadka sirdoonka, tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda.
Taliyaha cusub ee Africom Mecheal Langley oo 9-kii bishan xilka la wareegay waxa uuna noqonayaa sarkaalkii ugu horeeyey oo madow ah oo xilkaan qabta iyo taliyihii 6-aad ee Africom tan iyo markii la aasaasey 2008.
Waxaa jira dhiilo xooggan oo loo jeedinayo taliska Africom, taasi oo la xariirta khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara dayaaradaha duuliye la’aanta ah ee duqeymaha u geysta kooxaha argagixisada ee Afrika ka jira oo ay ugu horeyso xarakada Alshabaab.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply