Taliska ciidamada xoogga dalka oo ka warbixiyey hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab iyo gurmadka abaaraha

Taliska ciidamada xoogga dalka oo ka warbixiyey hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab iyo gurmadka abaaraha

Muqdisho (WDN)- Taliya ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odawa Yuusuf ayaa ka hadlay hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo qaabkii gurmadka loogu fidin lahaa dadka abaaruhu wax yeeleeyeen ee ku nool deegaanada laga xoreeyey kooxda argagixisada.  

Taliyaha ayaa sheegay kadib kulan uu la qaatey wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Axmed Macalin Fiqi in ay diyaariyeen qorshayaal ku aadan sidii gurmadka loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu hayaan ee ku nool goobaha laga xoreeyey maleeshiyaadka Alshabaab, waxa uuna xusey in ay diyaar yihiin ciidamadii amniga gaadiidka gurmadka sugi lahaa iyo tashiilaadka ku bixi lahaa.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la mideeyey qorshaha hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab, isla markaana si wada jir ah guud ahaan dalka looga fulin doono qorshahaas, taasina ay keeni karto in maleeshiyaadka argagixisada ay waayaan goob ay gabbaad ka dhigtaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku amaanay ciidamada xoogga sida geesinimada leh ay u wajahayaan maleeshiyaadka Alshabaab, isla markaana waxa uu u xusey in wasaaraddu kala shaqayn doonto taliska ciidamada xooga sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee xaaladaha bini aadanimo wajahaya.

Kulanka labadaan masuul ayaa kusoo aadaya xilli hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab sii xooggaysanayaan oo iminka gacantooda laga saarey deegaano badan oo muddo dhawr sano ah ay ka talinayeen, iyadoo deegaano a tirsan gobolka Shabeelaha dhexe oo Alshabaab haysato ay ku baxeen ciidamo dawladda Soomaaliya ka tirsan iyo maleeshiyaadka deegaanka.

Maxamex Cumar
WardheerNews, Muqdisho