Tacsi: Farxiya Muxumed Cadoosh

Tacsi: Farxiya Muxumed Cadoosh

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun

Wardheernews waxay si tiiraanyo iyo naxdin leh u tacsiyeynaysaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Farxiya Muxumed Cadoosh .

Farxiya waxay ku geeriyootay magaalada Jigjijga, ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya taariikhdu markay ahayd 7/31/2015. Waxaanu Ilaah uga beryaynaa marxuumad Farxiya naxariistii Janno inuu ka waraabiyo

Farxiya waxay ahayd hablihii Soomaaliyeed ee la kacaamay dhaqdhaqaaqii ardayda Itoobiya ee lagaga soo horjeeday nidaamkii Boqortooyada ee Xayle Silaase. Waxa Farxiya lagu xasuustaa iyada oo udub dhexaad u aheyd unug ka koobnaa Hablo Soomaaliyeed oo ka wada tashan jiray xirfadaha iyo xeeladaha loola dagaalamo cadaadiska Dowladdii Itoobiya, gaar ahaan kii Mangistu Xayle Mariyam.

Marxuumadda waxaanu Ilaah uga beryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkeediina Sabir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin