Tacsi: Suldaan Maxamed Sh. Xasan Wacdi

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun: Suldaan Maxamed Sh. Xasan Wacdi

Dhamaan Qurba joogta iyo beesha Geri Koombe meel kasta oo ay joogaan waxay iyagaoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii Suldaan Maxamed Sheekh Xasan Wacdi,  geerida ku timid Allah ha u naxaristee Suldaan Maxamed Sh. Xasan Wacdi oo magac iyo maamuus weyn ku lahaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Suldaan Maxamed Sheekh Xasan Wacdi waxa uu ku geeriyooday bishan May 7, 2017 degmada Garloogubay, ee ismaamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaanu Marxuum Suldaan Maxamed Sheekh Xasan uga baryaynaa in ILaahay janatul fardowsa ka waraabiyo,  qoyskii iyo ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin