Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhi raajicuun

WardheerNews waxay si tiiraanyo iyo naxdin leh u tacsiyeynaysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Danjire Maxamed Garaad Maxamuud Cali Shire (Garaad), oo ka soo jeeda Saldanaddii Warsangeli ee Maakhir oo ku geeriyooday gobolka Maryland ee dalka Maraykanka bishan May 17, 2016.
Marxuum Danjire Maxamed Garaad waxa uu ka mid ahaa odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee sida aadka ah ugu qeyb qaatay horumarinta waxbarashada iyo diblomaasiyadda Soomaaliya, isaga oo ka mid ahaa ardeydii ugu horeysay ee waxbarashada ka bilaabay Waqooyiga Soomaaliya, islamarkaana ka noqday macalimiintii ugu horeysay ee ka howlgala gobolada Waqooiyga Soomaaliya. Marxuum Maxamed Garaad waxa uu markii dambe u baydhay dhinaca siyaasadda isaga oo danjire ka noday wadamo ay ka mid yihiin Nijeeriya iyo Qadar.
Waxaanu Ilaah uga beryaynaa marxuum Maxamed Garaad in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkeediisana uu sabir iyo Iimaan ka siiyo.
Aamiin