Wednesday, May 01, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • News

Tacsi: Marxuum Xasan Abuukar

Xasan Abukar

Bahda tifatirka shabakadda WardheerNews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan halkan tacsi uga dirayaan Qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timd aqoonyahan, Qoraa Xasan Abuukar oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Phoenix ee dalka Marayaka.

Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa inuu naxiistii janno ka waraabiyo kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo.

Xasan Abuukar oo ka tirsanaa Bahda wardheerNews, qoraalladiisana aad in badan ka akhrisateen degelkan WDN, waxa uu ahaa shakhsi mukhlis ah oo bulshada Soomaaliyeed ka kasbaday ixtiraam iyo qadarin weyn. shakhsi isku darsaday dadaal. aqoon, dabeecad wanaag iyo dad la dhaqan.

Xasan waxa uu ahaa aqoonyahan Ilaah hibo u siiyay qoraalka, mar walbana ku dadaali jiray sidii uu akristayaasha ugu soo bandhigi lahaa xaqiiyooyinka ka qarsoon.

Xasan waxa uu qoray buugga Mogadishu Memoir iyo maqaallo tiro badan oo ku soo baxay WDN.

Shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed siiba akhristayasha ku taxnaa qoraalladiisu ay tabi doonaan marxuum Xasan Abuukar, ayna adkaan doonto in la helo cid buuxisa kaalintiisii.

Waxaanu mar kale leenahay Ilaah dhammaanteenba samir iyo iimaan ha innaga siiyo isagana janatul Firdawsa Eebbe ha ugu deeqo. Aamin.

Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.