Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Global News & Politics
  • News

TACSI: Marxuum Siciid Jaamac Xuseen

Bahda tifatirka shabakadda WardheerNews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan halkan tacsi uga dirayaan Qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timd Qoraa Sare Macillin Siciid Jaamac Xuseen oo xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka UK.

Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa inuu naxiistii janno ka waraabiyo kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo.

Siciid Jaamac Xuseen waxa uu ahaa shaqsi ku siboobay wanaag, dad la dhaqan, aqoon, dadaal iyo waayo-aragnimo shacabka Soomaaliyeedna uga tagay dhaxal iyo dhiganayaal wax ku-ool ah.

Shaki kuma jiro in geerida Qoraa Siciid Jaamc ay ka dhigan tahay tiir udub-dhexaad ah oo ka dumay bahda qalinleyda Soomaaliyeed kaalintiisan ay yartahay cid buuxin karta.

Waxaanu mar kale leenahay Ilaah dhammaanteenba samir iyo iimaan ha innaga siiyo isagana janatul Firdawsa eabbe ha ugu deeqo. Aamin.

Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.