Tacsi: Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen‏

Innaa Lillaahi wa innaa Illeyhi raajicuun!

Abdirizak_HajiMudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu ku dhashay nawaaxiga magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, sannadku markii uu abbaaraha ahaa 1924.  Mudane Cabdisisaaq Xaaji Xusseen waxa uu 1944-tii ku soo biiray Somali Youth League (SYL).  Xilligaas, waxa uu aad u yiqiin Diinta Islaamka, Cilmiga Bulshada, luuqadda Carabiga, Talyaaniga iyo  tan Ingiriiska.  Waxa uu ku shaqayn jiray Garraanninimo iyo turjaabaannimo.

Mudane Cabdirisaaq waxa uu SYL ka soo noqday xubin aad u firfircoon, ilaa loo soo doortay Xoogyaha Guud ee SYL 1955-kii, halkaas oo 1959-kiina loogu soo doortay guddoomiyaha SYL.  Isla xilliyadaas, waxa uu Cabdirisaaq ahaa Hormuudka Kulliyaddii keliya ee ka jirtay Soomaaliya, oo markaa lagu baran jiray Cilmiga Sharciga iyo Dhaqaalaha.  Isla xilliyadaas, waxa uu Marxuumku soo liqay lix bilood oo xabsi siyaasadeed ah.

1960-kii, markii xornimada la qaatay, waxa Mudane CabdiRisaaq noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha; jagadaas oo uu hayay ilaa iyo 1962-dii.  1962-dii ilaa iyo 1964-tiina waxa uu ahaa Wasiirka Howlaha Guud. 1964-tii ilaa iyo 1967-diina waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya; ilaa iyo 1969-kiina waxa uu Mudanahu ahaa Xildhibaan ku magacawnaa Keligi-Mucaarad.

Markii, Oktoobar 21, 1969-kii, Kacaanku xukunka la wareegay waxa Mudane Cabdirisaaq loo taxaabay Xabsiga, halkaas oo uu ku jiray muddo 5 sano ah.  1974-tii, waxa isla dowladdii Kacaanka ahayd, ay u magacawday Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay.  Waxa uu Mudane CabdiRisaaq xilkaas u hayay Dawladdii Millateriga ahayd ilaa iyo 1979-kii.

Tobaneeyo sano oo kale ayaa uu Marxuum CabdiRisaaq Xaaji Xusseen  UN-ka ugu soo shaqeeyay La-talaiiyenimo.  Muddooyinkii dambena, waxa uu Marxuumku ahaa Oday Soomaaliyeed oo wax BADAN laga weyddiiyo arrimaha Soomaaliya.

Ilaaheey, naxariistii janno ha ka waraabiyo Marxuumka, Soomaali oo dhanna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Haddii aan nahay dhamaanba Soomaalida ku nool Grande Prairie, Alberta, Canada, waxa aan si gaar ah ugu tacsiyaynaynaa Xaaska Marxuumka, Maamo Khadiijo B. Warsame Awdoon iyo ubadkiisa, iyo dhamaanba eheladiisa oo dhan.

Cabdiqaadir Yuusuf Bagaag
Cabdirxhmaan Cukur
Abdirizak Shakiib Sh. Maxamuud
Cali Ismaaciil
Bashiir Daahir Xasan
Mahad Cabdi Aadan
Maxamuud Saalax Cumar
Raage Cabdullaahi Hoolif
Deeq Aadan Diiriye
iSidoo kale haddii aanu nahay bahda tifatirka ee WardheerNews tacsi taa ta mid ah ayaan gaadhsiinaynaa eheladii marxuumka iyo dhammaanba shacabka Soomaaliyeedba, waxaannuna marxuumka Eebbe uga baryaynaa inuu Jannadii fardawsa ka waraabiyo. Aamiin.