Tacsi: Marxuum Cabdi Adar Axmed

Tacsi: Marxuum Cabdi Adar Axmed

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun

Wardheernews waxay si tiiraanyo iyo naxdin leh u tacsiyeynaysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Cabdi Adar Axmed oo ku geeriyooday magaalo madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, bishan Dec.25 dii, 2015.

TacsiMarxuum  Cabdi Adar waxa uu ka mid ahaa odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo ahaa siyaasi, xeel dheere dhinaca taariikhda ah iyo xubin ka mid ahaa Baarlamaankii Itoobiya ee xilligii Boqortooyadii Haile Selassie.

Waxaanu Ilaah uga beryaynaa marxuum Cabdi Adar Axmed in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkeediisana uu sabir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.