Tacsi: Maj. Gen. Ahmed Sheekh Faarax

Nairobi (WDN)- Bahda WardheerNews waxa ay iyada oo ka tiiraanyaysan tacsi u diraysaa qoyskii, qaraabadii, shacbiga Sooomaalida ee reer Kenya iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Sareeye Gaas (Maj. Gen) Axmed Sheekh Faarax, oo ku geeriyooday maalintii Arbacada ee bishan Oktoober 28, 2010, magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

S/Gaas Ahmed Sheekh Faarax

Axmed Sheekh  waxa uu jagooyin sarsare ka soo qabtay ciidamada Badda ee Kenya, isaga oo ahaa Taliyaha (Commander) Ciidamada Badda ee Kenya. Waxa kale oo Axmed Sheekh ka mid ahaa Guddigii Xaqiiqo Raadinta iyo Dib u heshiisiinta (Truth, Justice, and Reconciliation Commission (TJRC) of Kenya) ee Kenya, oo ay ka mid ahayd arimaha loo saaray xasuuqii ka dhacay deegaanka Wagala, ee dhulka Soomaalida Kenya.

Waxa aan Eebe uga baryaynaa marxuum Axmed Sheekh in uu ka waraabiyo janada, ehelkiisana samir iyo Iiman ka siiyo.
Aamiin.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.