Tacsi: Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Waxay  siwada jira ah General Cabdixakiim Daahir Saciid (Gen. Saacid) iyo Bahda WardheerNews u tacsiyadaynayaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

Ge. Cabdirisaaq

Marxuum Gen. Cabdirasaaq oo horey u soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Kanada (Canada).

Gen. Cabdirisaaq ayaa kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa Marxuum Gen Cabdirisaaq in uu janadii ka waarabiyo, ehelkiisana Samir iyo iiman ka siiyo.

Aamiin