
Hargeysa (WDN)- Bahda WardheerNews waxa ay iyada oo ka tiiraanyaysan tacsi u diraysaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Soomaaliland.
Cumar Carte oo ahaa dadkii bud-dhiga u ahaa Dowlad Soomaaliyeed, islamarkaana jagooyin sarsare ka soo qabtay Sooomaliya sida Wasiirka Arimah Dibadda, wakhtiyadii ay Soomaaliya taariikh ahaan Afrika iyo caalamka ugu saameynta badeyd, ayaa sidoo kale ahaa Safiirki Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaare kadib burburkii Dowladii Dhaxe ee Soomaaliya.
Waxa aan Eebe uga baryaynaa marxuum Cumar Carte in uu ka waraabiyo janada, ehelkiisana samir iyo Iiman ka siiyo.
Aamiin.
WardheerNews