Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun
WardheerNews waxay si tiiraanyo iyo naxdin leh u tacsiyeynaysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Axmed Xuseen Xayle (Axmed Luul) oo ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka bishan Janaayo 30 keed 2016.
Marxuum Axmed Xuseen waxa uu ka mid ahaa odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo ahaa siyaasi, xeel dheere dhinaca taariikhda ah, isla markaana door muhiim ah ka soo qaatay Jabhadii Soomaali Galbeed.Marxuum Xuseen Xayle waxa uu waxabarsadiisa Jaamacada ku soo qaatay oo uu ka qalin jabiyay Jaamacada Mekerere ee dalka Yuganda.
Waxaanu Ilaah uga beryaynaa marxuum Axmed Luul in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkeediisana uu sabir iyo Iimaan ka siiyo.
Aamiin
Leave a Reply