Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TAARIIKHDA WAA LAGA TILMAAN QAATAA

W.Q. Ahmed Khalif

Tagtadaa timaadada looga tilmaan qaataa

Taariikhdeena ayaan uga cabbir qaadanaynaa oo innagu hagta mustaqbalkeena. (Our history guides us to our future).

Si loo fahmo xaaladda ay maanta ummad ku sugan tahay waa in la fahmaa taariikhda ummaddaas iyo sida ay marxaladda ay ku sugan tahay ku timid. Sidaa si la mid ah marka la doonayo in la qiyaaso mustaqbalka ummaddeed (waxa ummaddaas ka hor imaan doona, ka horreeya) waa in la dersaa xaaladda ay imminka ummaddaas ku sugan tahay iyo taariikhda sidii ay halkaan ku timid labadaba. Sidaa awgeed ayaa loo yiraahdaa: Taariikhdeena ayaan uga cabbir qaadanaynaa oo innagu hagta mustaqbalkeena (our history is our guide into our future.)

Marka aan si fiican u derisno sooyaalka (taariikhda) Soomaalida, ayaan fahmi kareynaa xaaladda ay maanta ku sugan tahay iyo sidii ay halkaan ku timid; isla markaana waxaa inoo soo baxaya oo si cad inoogu muuqanaya halka ay ku socota. Waxaa inoo caddaanaysa in asalka dhibta Soomaalidu ay tahay Itoobiya; waxaa sidoo kale inoo caddaanaysa in cadaawadda Itoobiya iyo Soomaalidu ay ku salaysantahay dal iyo diin (ama dhaqan iyo dhaqaale) – waayo dhaqaalaha ummad leedahay waxa uu ku xiran yahay oo uu ka imaanayaa dhulkeeda, halka dhaqanka ummad uu ka imaanayo diinteeda. Waxaa inoo caddaanaysa in cadaawaddaas aysan dhammaanayn oo aysan meesha ka baxayn illaa dhulka lagu kala adkaado, khilaafka diintuna meesha ka baxo.

Haddaba waa maxay Midowga dhaqan-dhaqaale ee haatan la wadaa?:

Farmaajo, Abiy iyo Afwerki

Markaan innaga oo ka cabbir qaadanayna taariikhda Soomaalida iyo Itoobiya, si fiican u eegno xaaladda imminka Geeska Afrika ka socota waxaa inoo caddaanaysa in la doonayo in dhawaan dhulka iyo diinta Soomaalidu u gacan galaan Itoobiya. Sidaas waxaa ka wada shaqaynaya Itoobiya iyo xulufadeeda uu shaydaan ugu wayn yahay iyagoo ka faa’iidaysanaya jaahilnimada Soomaalida.

Midowga dhaqan-dhaqaale ee dadyowga Geeska Afrika ee hadda la wado, ayaa ah khiyaamadii ugu dambaysey ee lagu soo xerogalinayo ama siriqda qoorta loogu galinayo Soomaalida.

Waxaa kooxda Fahad Yasin (oo Farmajo ku jiro) ka go’an in doorashadu u dhacdo qaab iyaga u suurtogelin kara in ay xukunka ku soo noqdaan ama ay dib u dhacdo. Sidaa waxaa kula ballamey  Abiy iyo Afwerki oo Farmajo u sheegey inay dalka isaga xoog loogu qaban doono marka ay soo afjaraan qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Itoobiya gudaheeda.

Farmaajo ayaa loogu warramey, lagana dhaadhiciyey, in loo baahan yahay in si dhaqso ah loo hirgaliyo Midiwga Geeska Afrika lagana faa’iideysto isdhexgalka dhaqan-dhaqaale ee dadyowga Geeska Afrika; laakiin aysan suurtogal ahayn in lala xaajoodo oo lala midoobo lix dowladood oo Soomaali ah; isla markaasna aysan dhici karin in ay Soomaalidu kaligood waqti gaaban ku soo heshiiyaan oo iyagoo mid ah, hal dowladna taladu ka go’do ay Midiwga Geeska ka qayb galaan; sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in dowladaha kale ee Soomaaliya kula midoobey Midowga Geeska Afrika ay Soomaaliya xoog ku qabtaan oo ku xasiliyaan.

Waxaa Farmajo loo sheegey in uu sidaas isagu mudo dheer ku noqon doono madaxwaynaha Soomaaliya iyo waliba ‘aabihii garashada geyigaas’

Haddaba maxaa Soomaalida la gudboon oo laga doonayaa?: 

Soomaalida waxaa la gudboon in ay Farmajo iyo N&N iska qabtaan.     

Waxaa la gudboon in ay si wadajir ah u difaacdaan dalkooda iyo diintooda iyagoo la kaashanaya Illaahooda; cadowgooda oo uu ugu horreeyo kan gudaha iyo jaahilnimadana ay meel uga soo wada jeestaan; waxay heli doonaan wax caawiya waayo Illaahay waa caawiyaa kiwii iyagu iscaawiya (Allah helps those who help themselves). Taas lidkeeda ayaa iyaduna run ah: kiwii aan is caawin illaahood ma caawiyo, nin aan Illaah caawinna cid kale ma caawin karto!! 

Ma jirto cid aan illaah ahayn oo ay Soomaalidu sugayso. Ma jirto cid Illaah ka wanaagsan oo caawimaad laga sugo!

Waxaa laga yaabaa in dadka qaar marka la soo hadal qaado ‘diin’ ay moodaan in la taageerayo kooxda Alshabaab. Kooxdaan argagixisada ah ayaa iyagu ah ciidamo ay Itoobiya iyo xulafadeedu si gaar ah ugu soo tabobarteen in lagu qabsado Soomaaliya. Ciidankaan Itoobiyaanka ah oo lagu soo tabobarey afka, dhaqanka, iyo diinta Soomaalida ayaa loogu talo galey, sida ku cad ficillladooda, in iyaga oo ku gabbanaya diinta ay ummadda Soomaalida ah ka dabargooyaan dhulkeeda; ay Soomaalida dhulkeeda ka saaraan dhimasho ama nolol ( dead or alive): mid dhinta iyo mid carara ka dhigaan.

Nasiibdarro kooxdaan ayaa Soomaalida loogu sheegey in badan oo ka mid ahna u qaateen in ay Soomaali yihiin iyo in ay u dagaallamayaam diin. Waxaa taas ka sii daran in qaar ka mid ah kooxdaas argagixisada ah ay si toos ah ugu milmeen hay’adaha dowliga ah ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya; ayna imminka adag tahay la kala saaro Alshabaab iyo hay’adihii dowliga ahaa ee dalka. 

Fahad Yaasiin

Fahad Yasin oo loo yaqaan ‘mulkiilaha dowladda Farmajo’ ahna Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka oo dhan ayaa ka mid ah kooxda Alshabaab ee sida qotada dheer u dhexgaley dowladda. Sidaas ayaa Alshabaab ku noqotay xariiriyaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Isla Fahad Yasin ayaa ah madaxa olollaha madaxwaynanimada ee Madaxwayne Farmajo.

Waxaan ku soo gabogabaynayaa tuduc ka mid ah tix gabay uu tiriyey gabyaagii waynaa ee Cali-Dhuux:

  • “U digey oo u digey, oo duulka waa loo dan leeyahay 
  •      •••
  •  dabada ha la  iska raacshee bal maan daysto hadalkeyga”.

Ahmed Khalif
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.