Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Suurtogal ma tahay in Somaliland afti laga qaadaa?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Horraantii bishii Agosto 2019 ayey ahayd markii raysal wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) uu soo jeediyey in dadweynaha Somaliland laga qaado afti khusaysa gooni-isu-taagga.

Arrintaas wasiirka warfaafinta Somaliland, Md. Maxamed M Diriye, ayaa jawaab gacan-sayr iyo aflagaaddo isugu jirta ka bixiyey.

Inkastoo aanay ahayn afti-qaadistu siyaasadda rasmiga ah ee DFS, haddana waxay ahayd fursad dahabi ah oo saxan loo soo saaray Somaliland.

Aftidu ma aha hawl-gal sahlan oo lagu degdego, mana soo saarto maxsuul raali geliya dadka oodhan. Tusaale ahaan aftidii ka dhacday Ingiriiska bishii Juun 2016, murankeedii weli, saddex sanno ka dib waa socdaa.
Dalka Kolombiya-na, heshiiskii nabadda ee lala galay jabhadda FARC, isla sannadkaas bishii Oktobar, codeeyeyaashu diidmo ayey ka hor-keeneen.

Haddaba doodda Somaliland waa 18kii May 1991, shirkii beelaha ee Burco ka dhacay waxa la isku raacay in Somaliand ka madax-bannaanaato Xamar, xarunta qaranka jamhuriyadda Soomaaliya, ee dhalatay 1da Julay 1960kii.

Waxa kale oo ay dooddaas raaciyaan in sannadkii 2001, dadweyanaha ku nool Somaliland (waqooyiga Soomaaliya) in 97% ugu codeeyeen dastuurka Somaliland. Taas oo u dhacaysa looma baahna afti kale.

Hase yeshee marna dadka toos looma weydiin su’aal goonideed u taagan oo si gaar ah u khusaysa in gobollada waqooyi/Somaliliand ay ka baxaan Soomaaliya.

Sideedaba haddii gobollo dal ka tirsani ay rabaan inay ay qaranimada dalkaa ka baxaan waa in ay dawladda dhexe isla oggoladaan qabsoomidda afti laga qaado dadka, iyagoo weli ka mid ah dalkii.

Mowqifka Somaliland, ee ilaa hadda, waa: hadal kama gelin karo gooni isu-taagga 18kiin May 1991. Taas ayaa keenta in lagu tilmaansado dawladda is-keed ugu dhawaaqday madax-banaanida, waayo dhinacii kale oggolaansho lagama helin.

Tusaale ahaan dalka Koonfurta Suudaan waxa aftida laga qaaday 2011, taas oo daba-socotay heshiiskii nabadeed ee 2005 ee jabhaddii SPLM/A iyo dawladda Suudaan dhexmaray. Heshiiskaas ka dib, 6 sanno ayey Koonfurta Suudaan iyo Suudaan sii wada joogeen; ilaa intii afti laga qaadayey.

Sidoo kale Jabhaddii EPLF ee qabsatay gobollada Eritreya oodhan, sannadkii 1991, waxay xornimo ku dhawaaqoodii sugayeen ilaa inta ay ka dhacaysay aftidii guud ee 1993. Sidaas ayey Itoobiya kaga go’een.

Sida labadaa tusaale ee kore ku cad, habraaca caalamiga ah iyo waayo-aragnimada mandaqadda aynu ku noolnahay ee Geeska Afrika, waa in marka hore la helo is-af-aradka iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee ay khusayso.

Nasiib darro, hadda, Somaliland ma oggola inay dib ugu soo noqoto, haba-yaatee, xayndaabka jamahuriyadda Soomaaliya (DFS), taas oo meesha ka tuuraysa in la helo afti labada dhinac si siman u wada qaban-qaabiyaan. Aftida lagu kala tegayo waxa shardi u ah qiraalka in Somaliland weli hoos timaado qaranimada Soomaaliya.

Ogow beesha caalamku waxay Hargeysa u tilmaantay in ictitraafku yaalo Xamar, oo aanay meel kale ka raadin. Somaliland-na midkaa way aqbashay; wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya-na halkaas ayey ka soo alkunmeen.

Kolkaa su’aashu waa haddii aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay raacdo dariiqaas,, ku guryo-noqodka xayndaabka Soomaaliya, waa sidee hannaanka kale ee afti lagu hanan karaa?

Jawaab u ma hayo su’aashaas; laakiin mowqifka Somaliland waa Xamar ha ku dhawaaqdo, shuruud la’aan, inay aqoonsatay madax-banaanidayada. Jawaabta Xamar-na waa sahal: “ha ku naaloon”.

Siday aniga ila tahay: dawga saxa ah ee afti loo mari karaa waa Somaliland oo ku soo laabata xayndaabka qaranimda Soomaaliya, ilaa inta taas laga helayana, Somaliland, siyaasiyan, sanduuq bay ku jirtaa.

Alloow sahal amuuraha.

Wa bilahi towfiiq
Maxamuud Cabdillahi Axmed
London, UK
[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.