Soomaaliya oo u magacowday Safiiro cusub Kenya, K/Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalal Carabta ah

Soomaaliya oo u magacowday Safiiro cusub Kenya, K/Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalal Carabta ah

Muqdishu ( WDN) – War saxafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid maalintii Khamista ee bishan Abril 02, ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen Shan Safiir oo cusub oo sida warsaxafadeedka ku qoran uu soo jeediyay wasiirka Arimaha Dibadda Md. Cabdisalaam. Warkan ayaa u qoranaa sidan:

Gamal Hassan
Gamal Hassan

“Wasiirka ayaa sidoo kale golaha soo hordhigay talo soo jeedinta shan safiir oo cusub kuwaas oo goluhu dood dheer ka dib ay ansixiyeen in la magaacbo danjirayaal
1. Jamaal Xasan
2. Jamaal Maxamed Barow
3. Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya
4. Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi
5.) Daahir Maxamuud Geele

Dhanka kale oo golaha wasiiradu waxay isku raaceen in dib loo furo sadex safaaradood oo horay loo xiray , oo kala ah Jarmalka, Maleeshiya iyo Burundi. dib habayna lagu sameeyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Faransiiska”.

Warsaxafadeedka laguma sheegin magacyada iyo dalalka loo magacaabay danjirayaasha cusub, hase yeeshee wararka soo gaadhaya WardheerNews ayaa sheegaya in :

  • Gamaal Xasan, loo magacaabay danjiraha dalka Kenya,
  • Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya, loo magacaabay Qaramada Midoobay, New York.
  • Jamaal Maxamed Barow, loo magacaabay Koonfur Afrika
  • Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi, danjiraha dalka Ciraaq
  • Daahir Maxamuud Geele, danjiraha dalka Boqortooyada Sucuudiga

WardheerNews