Muqdishu ( WDN) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay magaalada Muqdishu, ayaa sheegaya in Md. Cumar C/rashiid Cali loo magacaabay danjiraha cusub ee dawlada Soomaaliya uga wakiilka noqon doona dalka Maraykanka.
Magacaabista Md. Cumar C/rashiid oo horey uga ahaa ra’iisal wasaare KMG sanadadii 2009 – 2010 dawladii uu madaxa ka ahaa Sheekh Shariif , ayaa soo afjaraysa muddo ka badan labaatan sano oo aanay Soomaaliya ku lahayn dalka Maraykanka danjire buuxa.
Md. Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa in uu la kulmo xoghayaha arimaha dibadda iyo madaxweynaha Maraykanka dhawaan si uu u godoonsiiyo waraaqihiisa aqoonsiga.
WardheerNews