Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA: LABA DAL OO AAN TUSAALE MAAMUL SUUBBAN ISU NOQON KARIN

W.Q. Liibaan Axmad 

Soomaaliya iyo Itoobiya waa laba dal oo deris ah. Dhowr dagaal baa dhex maray hase ahaate dani-seetanimada (pragmatism) Soomaalida waxay aad wax uga beddeshay fikradda  dabaqadda talisa iyo dabaqadda maskaxmaalka (intelligentsia) ee Itoobiya ka qabaan Soomaaliya.

Yaab bay ahayd in la arko dowlad Itoobiyaan ah oo ku doodaysa in ay difaaci doonto dowladdii federaalka ku meelgaarka ahayd “haddii weerar uga yimaado xoggagii Maxkamadaha”.  Shaki kuma jirin in Itoobiya saamayn weyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya.  Waxay Itoobiyaanku sii yaabeen markii ay  Dowladdii Federaalka ee hore (2012-2017) beddeshay heshiiskii Dowladdii Ku Meelgarka ahayd la gashay Isbahaysigii Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS) oo dhigayay in ciidammada Itoobiya laga saaro Soomaaliya. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiis laba-geesood ah la gashay Dowladda Itoobiya si ciidammada Itoobiya Soomaaliya loogu soo celiyo. Ma jirin xildhibaanno ama siyaasiyiin ka hadlay ku xadgudubka heshiis sal u ahaa nabadaynta Soomaaliya. 

Burburkii  Soomaaliya ayaa sahlay in Itoobiya noqoto dal siyaasiyiinta qaarkood u arkaan inay casharro dib u dhisid  ka  kororsan karaan. Habka federalisamka ay Itoobiya qaadatay muu iska iman.  Doodihii ku saabsanaa xaqa qowmiyadaha Itoobiya, oo soo billowday lixdamaadkii qarnigii hore, buu habkani ku qotomay. Habka federalisamka Soomaaliya wuxuu jawaab u ahaa burburkii Soomaaliya iyo awood-urursigii dowladihii dhexe (1960-1991) caan ku ahaayeen.    

Itoobiya iyo Soomaaliya waa laba dal oo ku kadeedan xukumidda dadka. Itoobiya waxay hadda dhabbaha saartay siyaasad lagu cabburinayo qowmiyadda Oromada, oo kaalin mug leh ka qaadatay isbeddelkii ka dhacay Itoobiya 2018kii. 

Itoobiya maanta iyadaa ku muransan sababaha doorashada dib loogu dhigay; sharciyadda xisbi Abiy Axmed si degdeg ah u dhoobdhoobay hase ahaatee leh tilmaamihii iyo dhaqammadii xisbigii EPRDF. Taariikhda Itoobiya lixdankii sano ugu dambeeyay waxay muujinaysaa horumar iyo dib u dhac isdaba socday. Waxa keliya oo ay wadaageen talisyadii kala duwanaa oo soo maray Itoobiya waa  xooggii la saari jiray in awooddu ku urursan tahay Qasriga Mililiq (Menelik Palace) oo uu hadda Abiy Axmed fadhiyo.  Itoobiya ma laha taariikh dimuqraaddiyadeed. Waxay leedahay taariikh qabsasho (conquest). Mililiq (Menelik) iyo Xayle Salaase waxay labaduba kula tartami jireen gumeystayaashii reer Yurub samaynta imbaradooriyad. Waa sababya Xayle Salaase u lahaa magaca Imbaradoor.  

RW Abiy Axmed

Sida Abiy Axmed Itoobiya dib ugu celin karo hab hal xisbi dalka kaga arrimiyo amar-ku-taaglayn isagoo awoodda ku qabsaday olole lid ku ah amar-ku-taaglayn waa su’aal wareerisay dadka Itoobiyaanka ah oo u soo joogay habkii dhulgoosiga ee  Xayle Salaase iyo kelitalisnimadii ba’nayd ee taliskii Dergiga oo uu Mengistu hoggaaminayay.  

Soomaaliya, dhankeeda, waa dal ciidammo nabad-ilaalineed ilaaliyaan dowladda federaalka. Danaynta beesha caalamku waxay ku salaysan tahay danaha dhaqaale iyo istaraajiyadeed oo Soomaaliya laga leeyahay. 

Tan iyo 2012kii Soomaaliya waxay gashay heshiisyo kheyraad,  dalka oo aan weli yeelan hab siyaasadeed dhowra xaqa Soomaaliga u leeyahay inuu meeshuu doono dalka kaga noolaado isagoon lagu takoorin hayb beeleed.  Kala qoqobnaanta beeleed waxay keentay in kaabayaashu, sida dekedaha, noqdeen hanti beeleed. Taageerada badan oo ay beesha caalamku siiso Soomaaliya may horseedin dareen in dalka la wada leeyahay, in,  dunidan maanta oo la isu awood-sheegto,  qarannimo dhab ah uun lagaga badbaadi karo in dhulkaaga qaybo ka mid ah la qabsado. Markii ciidanka Kenya soo galeen Soomaaliya 2011kii iyo 2012kii waxay Nayroobi ku doodaysay in Soomaaliya aysan dalkeeda ka saari karin Al-shabaab oo halis ku ah Kenya. Yaa u diidaya Itoobiya inay soo weerarto gobollo Soomaaliyeed haddii Daacishta Soomaaliya ku baaqdo dagaal ka dhan ah Itoobiya?  

Qabqableyaashii Soomaaliya muddada ku hayay dowlad la’aantu waxay la ujeeddo ahaayeen ururrada diimeed oo u arka Soomaaliya dal qofku iman karo, ku noolaan karo oo colaad ka aloosi karo hadduu Soomaalida la diin yahay. Madaxda Soomaalida kala qoqobtay iyo wadaaddada Soomaalida ka aragti-duwan diinta ka saara waxay hor taagan yihiin xaqa Soomaalidu u leeyihiin inay dalkooda si nabad ah ugu noolaadaan. Sidee haddaba Soomaaliya iyo Itoobiya iskaga kaashaan karaan isdhexgal dhaqaale haddii dadka labada dal u kadeedan yihiin siyaasadda nolol-diidka ah oo muddo dheer ka jirtay labada dal?  

Ma dowlad dadkeeda cabburinaysa, xiraysa Internetka si gaboodfalladu u faafin,  baa Soomaaliya ka taageeri karta dib u kabasho siyaasadeed iyo la dagaallanka argagixiso?  Itoobiya waa dal galay marxalad cusub oo meesha ay ku dambayn karto aan la saadaalin karin. Waa dal qowmiyaduhu is neceb yihiin dulmigii talisyo hore ay geysteen awgiis. Sidee Abiy Axmed u dhexdhexaadin karaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isagoon la hadli karin Madaxweynaha gobolka Tigray ama madaxda xisbiyada OLF iyo OFC?  Abiy Axmed ma laha awooddii iyo kalsoonidii Meles Senaawi lahaa markuu shir dib u heshiisiin u abaabulay kooxihii Soomaalida sanadkii 1993kii.  Itoobiya uma noqon karto Soomaaliya  tusaalaha maamul suubban, Soomaaliyana sidoo kale.  

W.Q. Liibaan Axmad 
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.