Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soomaaliland xisbiyo ma jiraan mise maya?

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)

Anigu magacyo waan arkaa; ma se arko xisbiyo dhab ahaan dhisan oo nolol waxqabad siyaasadeed leh.

Xisbiyada la sheego ku ma arkin oo ku ma baadisooci karo ulajeeddooyin siyaasadeed oo cabbiraya baahiyaha dadka iyo aayaha dalka meesha hirashadiisu tahay ee uu qofka muwaaddinka dalka ahi danahiisa ka arki karo. Waxii beri xaashiyo lagu soo qorqoray, waa wax beri la sheeg-sheegay oo aan dib loo maqal loo na arag. Waxii u qornaa ba waa wax aan ka dhab ahayn; waayo haddii kale, maalin walba dadka ayaa la la dhexjoogi lahaa oo la ma illaabeen.

Intaas ba iska illlow.

Odhan maayo waa run, ma se baciidsanayo; waayo waayaha jira, waa lagu rumaysan karaa. Waxa aan ka hadlayaa sheeko iga soo gaadhay qof ugaqaateen ah. Waxa ay sheekadu leedahay nin baa u tegay madax xisbi. Waxaa uu ku yidhi xisbiga ayaan ahay oo waxa aan rabaa in uu (xisbigu) ii rashaxo doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada. Waxaa lagu yidhi: Reerka aad ka dhalatay ama jilibka ama jibsinta (wax kasta oo ay tahayba) ha ku soo saaraan oo odayaashu ha noo ama ii kaa keenaan. Haddii reerku ku soo xulo waa hagaag, haddii kale, ha soo lug go’in! Meeyey xisbigii?

Tu kale na: nin aan weligii ba xisbiga ka mid noqon bay suldaan iyo caaqillo qabiillo soo kaxeeyeen oo u keeneen sheegato madax xisbi. Waxa ay yidhaahdeen haddii aannu nahay Reer Hebel, ninkan baannu wadannaa oo noo gelaya Golaha Wakiillada; xisbigaaga ayaannu ugu codaynaynaa! Waa hagaag buu yidhi oo calankii iyo calaamaddii xisbiga ayuu siiyey. Farxad na wuu la boodbooday oo kuye: “Reer Hebel waa xisbigayga”! Ma aragtaan? Xisbigu waa calan iyo calaammad keli ah. Ninkan koox isku qolo ah baa wadata oo soo sharaxatay oo waxa ay si qaawan u leeyahiin annaga Reer Hebel ayuu gololaha noo gelayaa. Xisbiga la sheegayaa waa wax aan jirin. Sow ma aha?

Awel goorma ayaa kuwa hadda meesha fadhiya la doortay? Waxa aan ka mid ahaa Gudddi uu Guddoomiyahii Komishanka Doorashooyinka ee waqtigaasi u soo xulay kormeerka anshaxa habsocodka doorashada. Maalin dambe oo doorshadii dhammaatay baan ka qaybgalay kulan laga ga hadlayey casharrada laga la soo baxi karo doorashadii la galay iyo sida ay u dhacday. Waxa aan isla maalitaas ka hadlay maqnaashaha kaalintii xisbiyada iyo qabyaaladda mudhbaxa ahayd ee halkoodii (xisbiyada) gashay. Waxa aan ku dooday in shirar qabiil lagu soo xulay dadka isu soo taagay doorashada; ololaha iyo codbixintu na ay ahay hiilo qabiil, xisbiyadu na aanay ahayn wax tirsi iyo tirsiisin ba ku jira.

Billowgii hore iyo maalin walba waxaa ii muuqatay (aanan se kulankaas ka sheegin) beenta kasmada gaaban ee tidhi qabiilkii baynu ka guurnay oo xisbiyo qaran baynu u guurnay. Doorashadaas hore, guryaha ayaa shirarka qabiil lagu qabanayey; Maanta, si buuxda, ayey u dhardhigatay oo ayada oo qaawan baa warfaafinta la iska arko la la horyimaaddaa: “Haddii aannu Qolo Hebla nahay, hebel ina ” Hebel baannu u dooranaynaa Maxay iyo Maxay”!

Xisbiga runta ahi waa isutagga hoggaamineed oo ururiya awoodda dadka muwaadiniinta ah oo ku hoggoomiya danaha dhaqaale iyo dhaqan iyo bulsheed ee ay wadaagaan. Awooddaas maanta xisbi lehi ka ma jiro Soomaaliland. Waxa jirta awood lallabe hunguri siyaaasadeed. Waxaa na ku danaysta jinniboqorro qabaa’il u cumaamadan. Xildhibaan (xil ba ma dhibee) iyo wasiirku ba kuwaas ayey daba fadhiyaan.

Aad baan ugu cabsanayaa Somaaliland.

W. Q.  Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.