Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soomaalilaan Maxaa Loo Aqoonsan Waayey?

W/Q  Maxamed Nuur Shire

Jeerkii ay burburtay dawladdii Soomaaliya ee ay askartu hoggaamineysay (1991-dii) , oo ay jabhaddii SNM la wareegtay magaalooyinka waqoooyiga badankooda, waxaa magaalada Burco lagaga dhawaaqay gooni-isutaag la sheeegay in shan gobol oo ka mid ah siddeed iyo tobankii gobol ee Soomaaliya ay kaga go’een dalka intiisii kale oo markaas ay ka holcayeen dagaallo sokeeye.

Darsuurkii SNM ay ku howlgaleysay kuma oollin wax la yiraahdo “gooni-isutaag” balse midda xaqiiqada ah waxa ay tahay, in jabhaddu ay markii hore hubka u qaadatay iney bedesho nidaamkii dawladda ee ciidanku hoggaaminayeen, magaca ay ku hawlgalayeenna waxa uu macnihiisu ahaa :Jabhadda Wadaniga ah ee Soomaaliya.

Maalintii Burco gooni-isutaagga lagaga dhawaaqay 18, May sandkii 1991 ilaa iyo maanta, doodda Soomaalilaan waxa ay ahayd mid hal meel taagan oo ay dadku maqalkeeda ka daaleen. Marka ay laba kacleysana waxa ay ahayd, kolka koofurta Soomaaliya ay si uun uga hadasho arrimaha midnimada iyo wixii la xiriirra, iyada oo dadkii goobjoogga ahaa sannaddadii siddeetameeyadii ee reer Soomaalilaan ay markaas soo qufaan wixii waagaas dhacay.

Gooni-isutaagga Soomaalilaan waxa uu ku taaganyahay laba tiir.

1) Niyadjab ay ka qaadeen midnimadii lixdankii ay koofurta la galeen.

2) Wixii dhacay sanadkii 1988-kii oo ciidankii dawladda Soomaaliya ay ku burburiyeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, isla markaasna dad badan ay ku waxyeelloobeen, dhimasho, dhaawac iyo qax na ay isugu darsameen dadkii magaalooyinkaas degganaa.

Qodobka hore, saluuggaasi waa jirey oo bilowgiiba wuu soo ifbaxay, balse waxaa jirey arrimo dabrayey, waxaana ka mid ahaa:

  1. Shacabka waqooyiga oo midnimada baahi weyn u qabay, isla markaasna aan laga gadi karin in midowgii laga laabto.
  2. Waqooyiga wax u diyaarsanaa ma jirin oo dawlad ma aysan ahayn midnimadii ka hor, xataa ma aysan lahayn dastuur iyo calan. (Markii reer koofureedku yiraahdeen, “la kaalaya dastuurkiinna si loo mideeyo labada dastuur” reer waqooyigu ma aysan lahayn dastuur ay la yimaadeen; koofurta oo markaa 10 sano uu Talyaanig dowladnimo u diyaarinayay  ayaa loo dhiibay si ay wax ka badal ugu soo sameeyaan, ra’yigoodana ugu soo lifaaqaan, wixii ay keeneenna wuxuu ahaa hal qodob oo kaliya.)
  3. Guud ahaan qaaradda Afrika xilligaas waxaa ka jiray gobonimo iyo midnimodoon, cid rabitaan u haysay kala go’na  ma aysan jirin.
  4. Afar sano ka dib 1964-tii waxaa midowga Afrika kala saxiixdeen heshiis dhigayey in xudduudaha qaaradda loo daayo sidii gumeysutuhu kaga tagay, waxaana Soomaaliya ku dambeysay in ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya oo markii heshiiska la saxiixayey (1964) ay ahaayeen hal dal oo dunidu aqoonsantahay, waxaana heshiiskaas dadka uu dabrayey ka mid ahaa Soomaaliya oo u hanqaltaageysay iney dib u soo ceshato dhulalkii Ingiriisku ku daray dalalka Kiinya iyo Itoobiya.
  5. Dhinaca heshiiskaas uu  Soomaalilaan-ta maanta gooni-isutaagga raadineysa ka saameeyeyna waa iney markaas ku jirtay midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1964), heshiis ay labada dhinac ku kala tageenna uusan jirin, sida waqooyiga iyo koofurta Suudaan (2011-kii) iyo Itoobiya iyo Eretereya (1994-tii).
  6. Madaxdii waqooyiga markii ay Muqdisho yimaadeen oo la midoobay, waxaa saameeyey oo ay ku kala milmeen is haysi ka dhexjiray ururkii SYL oo laba garab kala ahaa; (garab uu hoggaaminayey Cabdullaahi Ciise iyo garab uu hoggaaminayey Cabdirashiid Cali Sharmaarke), kala qeybsanaanta madaxda reer waqooyiga ku timidna waxa ay sabab u ahayd iney waayaan kursiga Raysal Wasaaraha, ka dib markii madaxweynenimada Aadan Cadde la isku raacay.
Laascaanood, kacdoonkii Calanka

Qodobadaasi waxa ay yihiin kuwa hortaagan in Soomaalilaan ay noqoto dal madaxbannaan oo gooni u taagan, duniduna rabitaan hadda ka dib imaanaya uma hayso doonistaas. Kolka la soo uruuriyo laba qodob ayaaney u soconeyn in dunidu ay aqoonsato dal “Soomaalilan” la yiraahdo, kuwaas oo kala ah:

1) Heshiiskii Midowga Afrika ee 1964-tii, kaas oo xitaa mid aan macquul ahayn ka dhigay in Soomaaliya ay ku dooddo dhulka kaga maqan Kiinya iyo Itoobiya, haddii aysan taasi suurtagal ahaynna, tan kale ee Soomaalilaan raadineyso ayaa ka sii fog.

2) Dalalka waxaa kala go’ooda la aqbalaa inta badan marka ay ku kala go’ayaan Diin ama kala duwanaasho keeni kara takoor, taasna halkan ma taallo oo Soomaalidu wax kasta waa wadaagtaa ee waxa ay isku diiddanyihiin waa siyaasad kaliya.

Dagaalka gobolka Sool hadda ka socda ee salka ku haya taariikhdaas, ayaa gebi ahaanba meesha ka saari kara haddiiba ay jirtay wax uun rejo ah oo laga qabi  lahaa aqoonsi Soomaalilaan ka hesho dunida, sababtuna waxay noqoneysaa:

Maadaama Soomaalilaan dunida aysan dowlad gaar ah u aqoon, xudduud aan dunida u diiwaan gashaneyn iney dhiig u daadiso ma aha wax maangal ah oo la fahmi karo, beesha caalamkuna arrinkaas baaqyo ayey ka soo saartay. Haddii Soomaalilaan aysan baaqyadaas u dhego nuglaanin waxaa dhici kara:

1) Haddii ciidanka Soomaalilaan ay dagaalka sii wadaan waxaa maamulka Hargeysa wajihi karaa in beesha caalamku ay joojiso la shaqeynta maamulka, cunoqabateynna waa suurtagal in ay muteystaan.

2) Haddii ciidanka Soomaalilaan xoog ay ku baxaanna ma dhici karto in mar dambe dhulkaas ay Soomaalilaan maamusho.

Intaas ka dib gooni-isutaag wax Soomaalilaan ugu sii dheggenaato iima muuqdaan, waxaana intaas dheer xaqiiqda ah in wax badan ay Soomaaliya kaga xiranyihiin sida:

  1. Baasaboorka: Dadka Soomaalilaan waxa ay Baasaboorka u soo doontaan Soomaaliya, iyaga oo markaas gooni-isutaagga kaga soo taga ilinka xafiiska ay baahida u qabaan.
  2. Fiiso (Dal ku-gal); Dadka Soomaalilaan waxa ay fiisaha ku doontaan baasaboorka  Soomaaliya, iyaga oo markaas ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
  3. Shaqooyinka dawladda; Dadka Soomaalilaan marka ay shaqo uga baahdaan dawladda Soomaaliya, waxa ay shaqadaas ku helaan nidaamka waxqeybsiga ee afar dhibic shan (4.5), xaqna waa u leeyihiin oo lagama xigo, balse markaas Soomaalilaanimo kuma qaataan ee Soomaaliya ayey ku qaataan.
  4. Soomaalilaan mashaariicda dunidu ka hirgeliso waxaa saxiixda dawladda Soomaaliya, haddii aan taas la helinna hal mashruuc Soomaalilaan kama fuli karo.

Iyada oo ay qodobadaas  oo dhan oo baahi dawladeed ah ay qabaan shacabka Soomaalilaan, soddon iyo laba sano ka dibna dunidu aysan dheg jalaq u siin rabitaanka Soomaalilaan, wax aan soo socon in la iska sugo sow waqti lumis ma aha?

Tiirka labaad ee uu ku taaganyahay gooni-isutaagga Soomaalilaan oo ah wixii ku dhacay qeyb ka mid ah dadka reer waqooyiga ah waa dhibaato  xanuun badan oo bini’iaadannimada ka fog. Waxaana dhibkaas geystay nimaadkii dawladeed ee markaas (1988) Soomaaliya ka jirey, cid uu si gaar ah wakiil uga ahaana ma jirin. Waxaa xusid mudan in dhibka dawladdu dadka Soomaaliyeed u geysatay inuusan ku kali ahayn reer waqooyiga, balse dad badan oo Soomaali ah ayaa dawladdu dhibaato u geysatay, sida dadkii degganaa gobollada Mudug, Nugaal, Bari, Galgaduud iyo Jubada hoose.

Waxaa xusid mudan in dadka waqooyiga oo dhan aysan dawladdu dhib guud u geysan, taasna ay meesha ka saareyso in Soomaalilaan oo dhan la bartilmaameedsaday, waayo? Soomaalilaan waa dhulkii Ingiriisku gumeysan jirey oo shan gobol ka kooban. Waxaa wax lala yaabo ah in dadka gooni-isutaagga u ololeeya qaarkood ay ku doodaan, “dadkii degganaa Sool iyo Awdal waxa ay ahaayeen kuwii wax naga laayey” haddana mar kale “Soomaalilaan annaga oo ah ayaa nala laayey”, sow laba arrimood oo aad u kala fog ma aha?

Ugu dambeyntii, dadku xaq ayey u leeyihiin wixii aysan rabin iney diidaan, iyaga oo aan cidna ku dulmiyeyn; haddii aan taas isla garanno oo Soomaalilaan la isku raaco rabitaankooda, waxaa iyana gar aan dhinacna loo dhaafi karin ah, in dadka kale oo midnimada Soomaaliya doonaya in gartooda la dhegeysto, waxa ay xaqa u leeyihiinna loo oggolaado.Haddii aysan midnimada Soomaaliya muqaddas ahayn, midnimo Soomaalilaan oo muqaddas ah ma jirto.

Maxamed Nuur Shire
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.