Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soomaali Yaa Ah?

W/Q Maxamed Heebaan

Doodda ku saabsan qeexida qofka Somaaliga ah ayaa beryahan qabsatay bulshada Soomaaliyeed. Dooddaasi waxay  billaabantay markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay inay dowladda federaalku soo saarayso kaadhka aqoonisiga qaranka (Natiional ID card).

Dad badan ayaa waxay is weydiinayaan dowladdu dagaalkii Al-shabaab ayay ku mashquul-sanayd, ee maxay hadda u bilowday  arrinta buuqa dhalisay ee kaadhka aqoonsiga? Ma dagaalkii Al-shabaab ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilmay, oo waxuu rabaa inuu buuqa kaadhka aqoonsiga ku mashquuliyo dadka?

Cadaynta ama aqoonsiga qofka Somaaliga ah ma ahayn wax dhibaato ka taagan tahay, waayo waxay ahayd waxyaabaha dadka Somaaliyeed oo dhan isku raacsan yihiin.  Taas oo ahayd, qofkii Somaali ah ee jooga koonfur iyo woqooyi, ama ka yimid Somali-galbeed, NFD, ama Jabouti waa Somaali. Dastuurka Somaaliyeed ayayna taasi ku qornayd, muranna kama joogin.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha ah ‘Yaa Somaali ah’ waxaa buuq ballaadhan oo ku habsaday bulshada Somaaliyeed ka dhaliyay laba hadal oo kasoo yeedhay madaxweyne Xasan Sh. Maxamud iyo Maxamed Cusmaan Jawaari Af-hayeenkii hore ee golaha Baarlamaanka Somaaliyeed.

Hadaan ku horreeyo oon faallo ka bixiyo hadalladii kasoo Yeedhay M.C. Jawaari, wuxuu u muuqday inuu u ololaynayo in dadka Somaaliyeed ee kasoo jeeda Somaali-galbeed, NFD iyo Jabouti in xuquuqdooda Somaalinimo la yareeyo, laguna adkeeyo inay xuquuqdaas helaan. Arrintaas waxaan ka fahmaynaa laba hadal oo uu mowqifkiiisa ku cadeeyay, wuxuu yidhi:

1—Qofka Somaaliga ah ee ka yimaada gobolada la gumaysto ee Dowladda Degaanka Somaalida(DDS) iyo NFD iyo Jabouti markay soo galaan Somaaliya waa inay Laba (2) sano sugaan si ay u helaan xuquuqda Somaalinimo.

2—Ma anigoo halkan 50 sano joogay ayuu nin shalay Jigjiga ka yimid ila xuquuq noqonayaa?

Faallo:

Qodobka koowaad ee uu Jawaari sheegay ee ah in qofka Somaaliyeed ee ka yimaada NFD, dowladda Degaaanka Somaalida iyo Jabouti uu marka uu jamhuuriyada Somaaliya yimaado uu sugo 2 sano si uu  xuquuq u helo, ma aha wax jira oo sal iyo raad midna leh! Dastuurka Somaaliyeedna kuma jirto. Sida dastuurkii hore ee Soomaaliyeed ku qornayd, ee dowladihii Soomaaliya oo dhan ay ku dhaqmi jireen waxay ahayd, in qofka Soomaaliyeed ee ka yimaada gobolada la gumaysto iyo Jabuuti, ee xadka Jamhuuriyadda soo gala, wuxuu isla markiiba helayaa dhammaan xuquuqda iyo waajibaadka qofka Somaaliga ah ee jamhuuriyadda ku dhashay. Sharcigaas lama badalin. (Xusuus: Xuquuqda laga hadlayo kaliya waxay imanaysaa marka uu qofku yimaado Soomaaliya, ee ma aha markuu qofku joogo Wajeer, Wardheer, Jabouti  iyo Jigjiga)

Marka kolka uu Jawaari leeyahay Somaalida gobolada la gumaysto iyo Jabuuti ka timid 2 laba sano ha sugaan xuquuqda Somaalinimo, waa fikirkiisa shakhsiga ah iyo sida uu jecelyahay kaliya.  Laakiin Sharciga iyo dastuurka arrintaasi kuma jirto. Sidaas darteed, fikirka Jawaari  qof Soomaali ah xuquuqna kama qaadi karo, mid hadda qaadanayana kama hor istaagi karo.

—Qodobka labaad ee Jawaari leeyahay ma anigoo 50 sano halkan joogay ayuu nin shalay Jigjiga ka yimid ila xuquuq noqonayaa?  Hadalkan waxaa lagu macnayn karaa inuusan ahayn jaahilnimo, balse uu yahay Cuqdad indho la’.

Cuqdadu ninkeeda ayay dishaa, oo Jawaari ayay dhibaato ku tahay. Waxaa jira dad Somaali ah oo ka badan hal milyan oo qof, oo ku nool wadammo shisheeye, oo Somaalida kaga duwan diinta, luqada, midabka iyo dhaqanka intaba, oo ay Somaalidu la xuquuq yihiin dadkii wadamadaas deganaa boqollaal ama kuman yaal sano. Marka kolka uu Jawaari leeyahay walaalkiisa Soomaaliga ah, ee la wadaaga diinta, afka, dhaqanka iyo midabkaba intaba, ee degaankiisa kan walaalkiis isku dhegan yihiin, balse gumaystuhu xarriijin kala dhex dhigay,  dastuurka Soomaaliyeed-na isku xuquuqda ka dhigay markay Jamhuuriyadda yimaadaan, inuu maanta Jawaari yadhaahdo ila xuquuq ma noqon karo, waa cuqdad indho la’ oo Jawaari sumcadiisa dili, Laakiin dadka Somali-galbeed, NFD, iyo Jabuuti aan midkoodna waxba yeelaynin.

Xasan Sh. Maxamud:

Hadalkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay kaadhka aqoonsiga wuxuu dhaliyay buuq fara badan, waxayna dad  badan u qaateen in dadka aan Soomaalida ahayn ee kaadhka loo diidayo uu madaxweynuhu ula jeeday dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada NFD, DDS, iyo Jabuuti.  Laakiin dadka qaar uu ka mid yahay Faysal Rooble ayaa madaxweynaha u cudur daaray, oo sheegay inay u malaynayaan in madaxweynuhu dadka af-Somaaliga ku hadla ee aan Somaalida ahayn uu ula jeeday dadka Cafarta iyo Oromada ah Af-Somaaliga baratay ee qaarna Somaaliya joogaan, qaarna Somaali galbeed iyo Jabuuti joogaan.

In laysu cudur-daaro way fiican tahay, waayo dhinac waxay ka muujinaysaa niyad sami, dhinaca kalena waxay fursad siinaysaa qofkii loo cudur-daarayay inuu mowqifkiisii mugdigu ku jiray, ee buuqa dhaliyay, inuu si fiican u sharxo, oo dadka shakiga ka saaro. Tusaalle, markii uu soo baxay buuqii ka dhashay hadalkii madaxweynaha, waxaa loo baahnaa in madaxweynuhu uu shacabka Soomaaliyeed la hadlo oo yidhaahdo, hadalkaygii kaadhka aqoonsiga, waxaan ula jeeday sidan:

“Qof kasta oo Soomaaliyeed oo ku nool NFD, DDS iyo Jabuuti, maalinta ay xadka Soomaaliya soo galaan waxay xaq u leeyihiin inay qaataan kaadhka dhalashada Soomaaliyeed. Sheekadaasi halkaas ayay ku dhamaatay.” Qof dambe oo buuq ka keeni lahaa arrinkaas ma jireen.

Laakiin nasiib darro, madaxweyne Xasan Sh. Ilaa hadda ma uusan hadlin, mowqifkiisiina ma cadaynin. Taasi, waxay xoojinaysaa shakigii ahaa in dadka af-soomaaliga ku hadla ee aan Soomaali ahayn uu ula jeeday dadka Soomaliyeed ee ku nool gobollada la gumaysto iyo Jabuuti. Haddii madaxweyne Xasan fikirkiisu  uu midkaas ahaa, oo uu rabo inuu dadkii Soomaalida ahaa uu Soomaalinimada ka saaro, oo xuquuqdooda shaki galiyo, waa khiyaano Qaran iyo ballan-fur uu ku ballan furay Axdigii soo jireenka ahaa ee  Ummadda Somaaliyeed u dhexeeyay.

Intaas waxaa dheer, arrintan Somaali kala-qaybintu waa mid uu Xasan Sheekh si xun ugu fashilmi doono. Sababtuna waxaa weeye, Soomaaliya waa dowlad federal ah, sharciyada noocan ah ee masiiriga ahna waa in Dowlad gobolleedyada federalka oo dhan ay isku raacaan. Haddii hal dowlad gobolewd ama laba ay diidaan, waxaas uu xasan dhoob-dhoobayo oo dhan wax ka soconaya ma jiro, oo waa hal-bacaad-lagu-lisay.

Haddii Madaxweyne Xasan uu arrintan mowqif cad oo dadka qanciya ka istaagi waayo, oo uu aamuso oo hoosta ka maleego qorshe Soomaalida la gumasto iyo Jabouti xuquuqdooda loogu diido, way ku qarxi doontaa, wuxuuna ka murugoon doonaa goor aysan murugo waxba u taraynin.

Gebagebo:

Gudoomiye Cabdi Xaashi, maadaama kaadhka aqoonsigu uusan ahayn passport, ee uu yahay warqad Somalida dhexdeeda ku kooban, waxaa haboonayd inuu kaadhkiisa ku qorto inuu ku dhashay Babille, Somali-galbeed, ama DDS waayo waa dhulkii inaga maqnaa oo wali inga maqan.

RW Xamse Bare

Raysul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu hayaa xil aad u weyn, oo aad u muhiim ugu ah ummadda Soomaaliyeed. Nasiib darro, Raysul wasaaruhu dhowr arrimood oo fudud oo ka horyimid wuu ku fashilmay, kalsoonidii lagu qabayna, dhulka ayay gashay. Marka haddii uusan tallaabo qaadi karin in-loo-yeedhiyo-mooyee, reer hebel buu xafiiska u joogaa qiimo samayn mayso.

Waxaa jagada Raysul Wasaare Xamse ku haboon qof u dagaalami kara xuquuqda NFD, Soomaali-galbeed iyo Jabuuti, oo diidi kara, oo aan lasoo marsiin karin in Soomaaliya loo kala gooyo koonfur iyo woqooyi, xataa haddii uu madaxweynuhu mashruucaas wato. Raysul wasaare ay dadka Soomaaliyeed ku diirsadaan wax qabadkiisa. Haddii aadan arrimahaas qaban karin, waxaa kaaga sumcad fiican inaad is casisho. Walaalkay aan wax qabad ahayn, halyay Soomaaliyeed ayaa iiga fiican, qabiilkuu rabo ha ahaadee.

Saalax Axmed Jaamac, Raysul wasaare ku xigeenku wuxuu ku qortay meesha uu ku dhashay inay tahay magaalada “Erigabo”, Laakiin wuu ka gaabsaday inuu sheego in Ceerigaabo ay Soomaaliya ka tirsan tahay, sida ay madaxdii kale oo dhan u sheegeen. Saalax Jaamac arrintan kuma dhiiran karo, isagoon ogolaansho ka haysanin madaxweyne Xasan Sheekh, waayo shaqadiisa ayaa khatar ku gali kartay. Marka su’aashu waxaa weeye, madaxweyne Xasan Sheekh ma la ogyahay Saalax Jaamac arrintan uu sameeyay? Haddii uu la ogyahay, miyaysan tilmaamayn in Madaxweyne Xasan uu taageersan yahay Soomaaliya in la kala gooyo, oo mashruuc qarsoon oo madaxweynuhu hoosta ka watay ay arrintani kashiftay, oo sida ay gaaladu yidhaahdaan This is the smoking gun?  Xasan Sheekh caddayn ayaa looga fadhiyaa inuu  arrrintan Saalax Jaamac la ogaa iyo in kale, iyo markuu ogaadday wuxuu ka  qabtay?

Maxamed Heebaan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.