W.Q. Jaamac Maxamed Askar
Waxa aynu joognaa waqti dareenka Soomaalinimadu ku dhintay quluubteenna. Marka si kooban aad u milicsato dooddaha siyaasaddeed ee madaxda, falanqayanta aqoonyahanka iyo sheekooyinka dadka caadiga ah, waxa kuu soo baxaya in ku-faanidda qawmiyadda Soomaaliyeed gabbal baas u dumay. Muqdisho, Hargeysa iyo Garowe intaba waxa ay isu rogeen xabaalihii Soomaalinimada la bud-dhigay.
Anniga oo Garowe shaqo u jooga ayay dhalinyaro isoo ag-fadhiisteen, waxaanay billaabeen dood nuxurkeedu ku dul wareegayay haddaynu nahay ‘Puntlanders’ maynu sidaa iyo sidaa falno……………….. Gartay, in Puntlandernimadu noqotay hayb ay ku dhaadanyaan dhallinyaradu oo u bedeshay Soomaalinimadii sida Somalilandernimaduba ay u tahay hayb dad gaar ahi isku baadi soocaan, dareen ahaanna ugaba sarreysa ku abtirsiga qawmiyadda Soomaaliyeed. Ka dar oo dibi dhal !!! Waxa iyana soo baxay Jubbalanders iyo kuwo kale!!!
Siyaasiyiin magac weyn Soomaali ku dhex lehaa, ayaa hoos isugu celiyay in ay meel yar oo reerkoodu dego maamul qabiil ka waageertaan. Waxa dhici karta in ay qaarkood yihiin muwaadiniin ay ku dheertahay qawmiyadnimada Soomaaliyeed, balse duruuftu ku khasabtay in ay sidaa yeelaan markii wadiiqo kasta oo ay madaxtinimo ku gaadhi lahaayeen ka soo oodantay.
Waxa iyana dhacdo wax inna tusaysa ah wada-hadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah oo dareenka qabiilku dhexda ka liiciyay; ‘Somaliland’ waxa ay soo bandhigtay dood qabiilaysan iyada oo hilmaantayna in wada-hadalku dhex-marayo laba nidaam, madasha na aannay joogin qabiilooyin wada xaajoonayaa. Dooddu se waxa ay ku soo gudhay ‘il-maadeeradayo iska reeba!!!! Iyo ‘waa madax Soomaaliyeed oo dawladda federaalka ah matalaysa’. Halkii arrimaha laysku hayo laga gorfayn lahaa, ashkhaas iyo hayb qabiil, ayaa lagu raftay markii dambe na lagu kala hadaafay.
Waxa aad u yar, hadday jirtaba, cid ku dhiirrata in ay soo bandhigaan dood-siyaasaddeed ku salaysan qawmiyadda Soomaaliyeed kana sarreysa damaca hoose ee qabiilka. Xataa wadaaddadii ahaa baroosinka iyo mus-dambeedka ummadda, ayaa iyaguna noqday wax ay ku adeegtaan Siyaasiyiinta ka arradan dareenka qawmiyadeed ee Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, waxaad maqlaysaa iyadoo gooni-isu-taagidda Somaliland axaadiis iyo aayado quraan ah loo daliishanayo !!! Ka warran, adigoo cibaado Alleh masaajid u galay in si kadis ah aad ugu baraarugto waddaadkii ducaynayay oo leh: Eebaw gaalladii noo dubbee oo Ictiraafkayaga nooga soo rid!!!!
Inkasta oo Soomaalidu isu geysteen waxyeello dalkoodii iyo dawladnimadoodii tumaatiday, waa nasiib darro in cudurkii halkaa gaadhsiiyay in ay xal moodaan, aasaanna dareenka qawmiyadda Soomaaliyeed ee ay wadaagaan. Gobolaysi qabiileed, ayaa shaadh sharciyeed loo geliyay; waxa ummadda lagu jihaynayaa sidii reer waliba aannu uga qadi lahayn maamul gobolleedyada beelaysan ee Dawladda Federalku dalka ka waddo.
Haddaba su’aashu wax ay tahay: Goorma ayuu nidaamka federalku xalaal noqday? Maxaa laga yeelayaa haddii ummaddu cod ku diiddo dastuurka jidaynaya federaalka qabiilka ku dhisan? Ma dib baa haddana loo burburinayaa maamulladii la dhisay?
Soomaalidu waa dhawr iyo 10 million, waa in magaalo qaaddo oo taariikh, dhalasho, af, dhaqan diin, midab iyo dal ba wadaagta. Waxa habboon in la kala gar-qaato, la isagana garaabo tabashooyinka jira isla markaana dib loo bogsiiyo boogihii colaaduhu ka tageen. Waa wax laga murugoodo halka uu joogo fekerka iyo dareenka Soomaalidu. Waxa calool xanuun kugu ridaaya marka aad milicsato Itoobiya oo xafiiltan innaga dhaxayn jiray halkay maanta joogto iska ba daa dunida kale e; dadka Itoobiya waxa ay ka badanyihiin 90 milyan, dhaqaalahoodu waa kan Africa ugu koboca badan oo waxaabay hiigsanayaan in ay noqdaan dal dhaqaalahoodu dhex-dhexaad yahay toban sanno ka dib, waana cududda militari ee maanta ku amarkutaaglaysa Geeska AfriKa. Soomaali kala irdhawday ma u babac dhigi kartaa quwaddaa gobolka ka jirta, haddii ta xuni dhacdo? Waxa hubaal ah in maslaxaddeennu aannay ku jirin federaalaynta beelaysan ee dhammaadkeedu yahay guul darro.
Fekerka ah in qaab qabiilaysan maamulka iyo taladda dalka lagu saleeeyo, isla markaana uu yahay xakal keliya ee Soomaali dhibaatadeeda ku furdaamin karto waa mid si hoose la inoogu soo dusiyay, cudurka ina ragaadiyay na xal inooga dhigaya. Waa aragti ka fog xaqiiqada oo aan la hubsan, waayo waaqaca, ayaa beenninaya in sidaasi sax tahay. Miyaannay Al-shabaab mabd’a aan qabiil ahayn ku dhisnayn, dad Soomaaliyeed oo kala qabiil ahna ku middayn, ku maamulin – haba noqdo mid xag jir ah oo qaldane? Tanni waa wanaagga keliya ee Al-shabaab aan u hayo!!!
Soomaalidu iyada oo is leh wax taranso ayay haadaan dheer ka tuuraysaa dareenka qawmiyadda Soomaaliyeed ee ay kuwada abtirsato. Haddii sidaasi dhacdo na waxa aynu ku dambayn ummad wada LANDERS ah iyo dal qabiilooyin kala goosteen oo sidii qobtolka kala midab ah.
Waa in gefka la qirtaa, la isu garaabaa oo aan dareenka Soomaalinimada laga hoos marin si aynu u noqono ummad walaallo ah oo adduun iyo aakhiro ba ku tanaadda, in kasta oo dadka qabiilku dishooday sidaa u arkayaan riyo maalmeed.
Sida goodir iyo cawl guranaysa maajeen
Oo gabraarato iyo nacab garab ay ka toogteen
Isma oga gardiid iyo ka waxyeello gaadhoo
Ruuxii garaad lihi gacalnimo ma diidee
(Hees Soomaaliyeed)
W.Q. Jaamac Moxamed Askar
Hargeysa
Email: Jamuna88@hotmail.com
Leave a Reply