W/Q Sh. Axmed Cabdisamad
Ictiraafka jiritaanka, qiimaha iyo qadarka uu leeyahay qofka, qabiilka , ururka iyo dawladu wuxuu saldhig u yahay in adigana lugu ictiraafo oo uu idin dhexmaro is-afgarad, isku kalsooni iyo iskaashi.
Askariga ama mooryaanka isbaarada taagan ama inanka waardiyeynaya xafiiska, haddii aad salaantid oo taliye ku tiraahid muraadkaagu waa maqbuul. Haddii aad hoos u eegtana wixii kugu dhaca adigaa ka mas’uul ah.
Qabiilka aad xustid samihiisa , taariikhdiisa wacan iyo halyeeyadiisa wuxuu hayo kaa hagran maayo. Haddii aad iimihiisa iyo inta loo qariyo sheegtidna reerkaas kala dhimate.
Ninka madaxda ah laftiisu inaad ictiraaftid waxqabadkiisa iyo guulaha uu soo hoyiyey ayuu u baahan yahay, si uu u dararo oo dantii loogu socday looga helo. Haddii meelaha uu ka liito iyo arrimaha lugu xanto la sheegana talo fara ka baxday.
Ninka inan’ta guurka ka doonaya wuxuu u baahan yahay inuu ictiraafo oo waliba ku wardiyo quruxdeeda iyo cajaa’i keeda. Ninka xaaska lehna waa inuu afadiisa ammaan iyo moraal dhis ku maalo. Haddii kale isagaa cirka roob ku og.
Cid kale maxaad ka doonaysaa ilmaha yar ee aad dhashay kolkaad soo dhaweyso oo maamuusto sida uu u farxayo oo kuula falgalayo bal barbardhig markaad qaylo iyo canaan isugu dartid ama si xun u eegtid.
Si kastaba ha ahaatee soomaali waxay si aad ah ugu baahantahay is-ictiraaf, istixgalin iyo in dhinaca fiican la iska eego ee aan sida diqsiga boogaha iyo meelaha danqanaya la raadsan.
Qabiilooyinka iyo deegaanada qaar baa jecel in la xuso geesinimadooda, kuwana inay ilbax yihiin, qaybna inay gob yihiin, bar kalena inay tira badan yihiin iwm.
Adiga waxaa dani kuugu jidhaa inaad kasbatid walaalahaa qalbigooda iyo kalsoonidooda; si aad ugu gudubtaan midnimo iyo wax wada qabsi isjacayl ku dhisan.
Gabagabadii wax adiga aan wax kuu dhimayn, walaalahaana anfacaya , ajarna aad ka helaysid ha ku bakhaylin, waana ictiraafkii aynu u wada baahnayn!
Sh. Axmed Cabdisamad
Email: alwaqaar@hotmail.com
Leave a Reply