Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xadhiga afar suxufi oo lagu xidhay 3dii bishan magaalada Hargeysa. Suxufiyiintaas waxa la xidhay iyaga oo ka qayb-gelaya mudaharaad nabad ah oo ay ku cabirayeen sida ay uga xun yihiin sii daynta la sii daayey nin loo haystay inuu weeraray xarunta wargeyska Hubaal.
Maanta, 5 December, ayaa Maxkamadda Gobolka Hargeysi amartay in la sii hayo afartaas suxufi oo kala ah Xasan Maal Dhidar, Siciid Khadar, Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashir.
Waxay sidoo kale Booliisku ku garaaceen maxkamadda Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim oo ah gudoomiyaha wargeyska Foore, iyaga oo ka qaaday kamarad uu watay. Taas oo ku geftay xuquuqdiisa aasasiga ah.
Xorriyadda bannaanbaxa, ra’yi – dhiibashada, saxaafadda iyo warbahinta kale waxa damaanad qaaday dastuurka Somaliland. Qodobka 32 ee dastuurku wuxu damaanad qaaday in muwaadin kastaa uu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed.
Qodobka 25 ee dastuurku wuxuu mamnuucay in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
Sida ku cad qodobka 26 ee dastuurka eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi. Sidaadarteed, suxufiyiinta xidhan waa in la ilaaliyo sharaftooda, sumacadooda, loo lana dhaqmo si hufan.
Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado, sida uu waajibinayo qodobka 27 ee dastuurku. Sidaasdarteed, saxafiyiinta la xidhay waxay xaq u leeyihiin in loo ogolaado inay la kulmaan qareeno, ururada xuquuqal insaanka, qaraabadooda iyo cid kasta oo ay codsadaan.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga welwelsan tahay qaabka aan haboonayn ee loola dhaqmo suxufiyiinta. Masuuliyiintu waa inay ogaadaan in xoriyadda saxaafadu ay tahay xaq dastuuri ah oo ay waajib tahay in sidiisa loo dhawro.
Talo-soo jeedin:
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa masuuliyiinta Somaliland:
- Inay xoriyadooda u soo celiyaan afartaas suxufi;
- Inay ilaaliyaan oo dhawraan xoriyadda saxaafadda iyo banaanbaxa;
- Inay maxkamad caadiya (civilian court) soo saaran cidii geysatay falkii lagu weeraray wargeyska Hubaal.
Mulaho Mohamed Ali
Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeysa, Somaliland