Washington (WDN) Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa oo booqasho ku maraya dalka Maraykanka, ayaa horraantii toddobadkan soo gaadhay magaalada Washington ee xarrunta waddanka Maraykanka.
Md. Cabdi Maxamuud ( Ilay) iyo xubnaha la socda, ayaa intii aanay ka soo ambabixin dalka Itoobiya, warbaahinta ku hadasha afka maamulka Jigjiga ay socdaalkooda ku tilmaantay in uu la xidhiidho sidii ay wadatashiyo , warbixino iyo talooyin ku aadan hurumarinta iyo maalgashiga dalka ula yeelan lahaayen Qurbajoogta Soomaalida Itoobiya ee dalalka ay booqanayaan.
Haddaba Madaxweyne Cabdi Ilay iyo xubnaha uu horkacayo oo muddo ku beegan saddex cisho ama dharaarood ku sugnaa magaalada Washington, ayaan habayaraatee wax kulan ama shir ah la yeelan Qurbajoogta deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Washington iyo nawaaxigeeda .
WardheerNews oo ay la soo xidhiidheen dad badan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaasi oo isugu jira waxgarad, waayeel iyo ganacsato, ayaa sheegay in aanay jirin wax xidhiidh ah oo ku saabsan imaatinka madaxda Deegaanka Soomaalida oo lala soo sameeyay Qurbajoogta, balse ay ka maqleen wararka imaatinka madaxweynaha degellada wararka. Waxgaradkaas ayaa sidoo kale sheegay in haddii uu imaatinka Cabdi Ilay aanu ahayn socdaal shakhsi ah, ay wacnaan lahayd in ay arkaan, si ay wada tashiyo ula yeeshaan.
Haddaba waxaa maalintii Arabacda ee bishan Maarso 11, 2015, lagu baraarugay Video lagu faafiyay internetka YouTube, oo uu ka dhex muuqday Cabdi Ilay oo hadallo ay is weydaarsnayaan nin Itobiyaan ah oo ka soo jeeda Qawmiyadaha kale ee Itoobiya Hotel-ka Marriott, ee magaalada Washington. Waxaa wax lala yaabo noqotay in shakshi ka soo jeeda Qawmiyadaha kale ee Itooobiya, oo ay Soomaalidu kula jireen dagaalada, uu maanta u muuqday qof u hiilanaya Soomaalida Ismaamulka Itoobiya.
Hadaladdaasi oo ay ka mid ahaayeen sida ka muuqata cajalada Youtube kuwan:
Ninka Itoobiyaan: Kani waa mujrim- Dambiile, kani waa dambiile, halkan buu joogaa dambiilihii, wuxuu dilay dad badan oo Soomaali, Itoobiyaan ah, waa mujrim, waa in la geeyaa maxkamadda Adduunka, waa in loo wacaa 911, ha la qabto, Booliiska ha la Waco, waa dambiile , mujrim”
Cabdi Ilay: Oo ay fajac iyo amakaag ku noqotay sida kadiska ah ee hadalka loogu soo tuuray, ayaa ka kacay goobtii uu fadhiyay,oo uu ku qaxweynayay, iyada oo mid ka mid dadkii la socday ee la fadihiyay uu ku qoslayo hadalka Cabdi Ilay lagu soo tuuray KKK. Cabdi Ilay ayaa markii dambe tuurtay kalmado cay ah oo loo yaqaan “Fog Yuu – F word”. Isaga oo u muuqday in sidan oo kale aan wali loo weerarain, maadaama uu awood aan xad lahyn , bah dil iyo caga juglayn uu ku hayo dadka deegaanka, isaga oo kalmadahaasi “F Word” miciin biday, isla markaana ka qaaday marki dambe sawir, ninki weeraray, taasi oo u muuqatay in awooddii uu ku lahaa Jigjiga aynan goobtan ka jirin.
Mid ka mid ah dadka ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo la soo xidhiidhay WardherNews ayaa yidhi “waxa muuqata in Madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la socdaa ay tamashle u yimaadeen Washington maadaama cid ay arkeen oo aan ka ahayn safaaradda Itoobiy aynan jirin”
Madaxweyne Cabdi Ilay iyo xubnhii la socday, ayaa la sheegay in habeenki Khamiista ee bishan Maarso 12, tamashlahoodii ugu sii amba baxay gobolka Soomaalidu ku badan tahay ee Minasoota.
Xaaladda siyaasaddeed ee deegaanka Soomalida Itoobiya oo xilligan maraysa meel xasaasi ah, ayaa waxgaradka ka soo jeedda deegaanka ay yaab ku noqotay safarkan aanay ujeeddadiisu caddayn ee uu Cabdi Ilay ku yimid Maraykanka.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud oo dhawaan ka badbaaday kacdoon ay ku sameeyeen koox maamulkiisa ka tirsanaa oo hore ugu guulwadayn jiray, ayaa hadda daddaal ugu jira sidii uu kursiga ugu sii negaan lahaa doorasho ku sheegta dhawaan la filayo ka dib.
Dhanka kale waxaa bishii aan soo dhaafnay ka dhacay dalka Kenya wadahadallo u dhaxeeyay dawladda Itoobiya iyo Ururka ONLF.
Inkastoo wadahadalladan oo ay dhexdhaxaadinaysay dawladda Kenya uu ergeygii hoggaaminayay waftiga ONLF uu sheegay in ay qoddobo hordhac u ah wadahadallada dambe ku heshiiyeen dawladda Itoobiya, haddana wararka hoose ee aan ka helnay wadahadalladan, waxay sheegayaan in la isku af garan waayay ka qaygalka iyo doorka ay Ismaamulka gobolka Soomaalida Itoobiya ee wadahadalladaasi. Iyada oo jabhada ONLF ee aan taageerada badan haysani ku adkeysatay in aanay la kulmi doonin cid ka socota Ismaamulka Deegaanka Jigjiga, halka dawladda Itoobiya ay iyana xageeda rabtay in wad hadaladda ay qeyb ka noqdaan maamulka Jigjiga.
Ma’ aha markii ugu horeysay ee ay dawladda Kenya isku daydo in ay waanwaan iyo wadahadallo dhexmaraan dawladda Itoobiya iyo ururka ONF, kuwaasi oo dhamaantood aan laga midho dhalin.
ONLF ayaa dhawaanahan u muuqata jabhad uu gabalkii ka dhacay, oo luminsay dhammaan tageerooyinkii ay ka haysatay shacbiga deegaanka Soomaalida Itoobiya gudo iyo dibadba. Taageerradaasi oo ku koobnayd deegaanada ay dagaalada ka waday ee ay ka soo jeedaan maamulka ONLF. Waxa iyana kala daaddisay awoodi iyo taageerdii ONLF, daddaal ay garab socoto lacag iyo maamuus kale oo ay ku jirto dhul dejin iyo taageero maalgelineed oo uu maamulka Jigjiga ee Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) u fidiyay taageerayaashii jabhada ONLF.
Haddaba wadahadalladaasi ayaan keenin wax natiijo wanaagsan ah , iyada oo dawlada Itoobiya aysan wax culays ah hadda ku hayn jabhadii ONLF.
WardheerNews
Leave a Reply