Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SIYAASI: QARANKII GADEY MUXUU QABIIL UGU YAAL

W/Q Xuseen Sooyaan

Waxaa aad iiga fajaciyey nimanka Qaranka Soomaaliyeed mas’uuliyadda u soo qabtay ee maanta ku goodinaya Dowladdii Kacaanka anagaa ridnay (malaga raystey), iyo Muqdisho waxba nooma ahan (Qabyaalad cad), sidaa darteed dawladdana waa in la igala tashado!! Miyaan loo qaadan karin hadalkaas kasoo yeeray siyaasiyiin masuul soo wada noqday in beec mushtarkii ay muddo dheer ka shaqaysanayeen uu hadda hakad ka galay? Mise waxaa dhici karta dawladnimada inay u arkaan wax la cuno oo waxay oran haddaanan anagu cunayn waan ciidaynaynaa! Mise waxay hayeen shaqo lagu kala dhantaalayo midnimada Soomaalida iyo qaranimadeeda oo waxaa hadda u muuqatey ilays dawladnimo iyo hoggaan ka duwan kuwii horey dalka usoo xukumay oo madaxwaynaha iyo Wasiirkiisa koowaad is qab-qabsan jireen?

Si kastaba ha ahaatee waxaa dad badani qabaan in qoladii ay u shaqaynayeen ay aad u canaanatey oo u sheegtay in waxay qaateen soo celiyaan ama ay dumiyaan ilayska dawladnimo ee maanta baxaya!

Waxaase layaab ah in qolyaha Maamulada madaxda u ah oo hadda diidan dawladda Farmaajo siday ay ugu dhaga-nuglaayeen oo baari ugu ahaayeen dowladdii Madaxwayne Xasan Shiikh ka talin jirey; ma la orankaraa ceeriinka ayay wax ku qaybsan jireen?
Marka su’aasha ay dad badani iswaydiinayaan oo hadda taagan ayaa ah dowladda Madaxwayne Farmaajo oo soo noolaysay rajadii dowladnimo maxay ku dhibsadeen amase maxay k abi’isay?.

Siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha Qaranimadii dalka dhaafsaday hanti yar oo dhamaan-doonta oo waliba shirar iyo waraysiyo farax galinaya wadamo shisheeye ku qabanaya dawlado aan qarsanayn inay kala dhantaalaan midnimda iyo qaranimada Soomaaliya!

Su’aasha is waydiinta leh waxay tahay haddii daymihii ay qaateen dowladda Soomaaliya ka bixiso faraha ma kala baxayaan howlaha foosha xun iyo khiyaanada joogtada ah oo ay qaranka u maleegayaan?

Waxaa kale oo iyana xusid mudan wadamada kale shakhsigii dalkiisa khiyaama waxaa markiiba wax ka qabta ciidamada nabad-sugida ee ilaaliya qaranimada iyo midnimada umaddaas oo wixii ay astaahilaana kufuliya; “waysha dil dibigu ha ku quustee”. Sida kuweena oo kalena banaanka lama soo istaagaan danbiyadooda ee waa la dhuuntaan. Haseyeeshee maadaama Soomaaliya aysan wali wada yagleelin haya’adihii hawshaas balaaran fulin lahaa oo waqtiga loo baahanyahay iyo meesha looga baahanyahay ka hawl-gali lahaa, hadana waxaa jirta in kuwa Somalida lugoynayana ay badankoodu baasabooro ku leeyhiin wadamo sharciyo iyo maxkamaddo ka shaqeeyaan. Sidaa darteed waxaa dhici doonta in lagu dacweeyo wadamadaas oo danbiyada ay galeen maxkamad lagu soo taago. Tusaale ahaan kuwa lacagaha daabacay oo dadka hantidoodii si sharci daro ah ugala wareegay dolar-na ku badashay lacag aan sharciyad dawladnimo liyo Bangi-dhexe aan lagu ogolaan.

Arintaas ku saabsan lacagaha lagu daabaco sida sharci darada ah oo dollarka Maraykanka lagu badalay waxay danbi katahay wadamada ay baasabooradooda haystaan. Waxaa kale oo iyana danbi wayn ah in laaluush muuqda oo laga soo qaatey wadamo shisheeye oo lagu bixiyey in dawlad la soo doortey lagu afgambiyo.

Soomaaliyeey waxaa kuligeen inoo fiican wixii midnimada iyo qaranimada  u wanaagsan, waxaana nagu filan oo nawada deeqda sharafta ee shilin dalkaaga lagaaga badasho xageed kucunaysaan haddii dhulkii udgoonaa lagaala wareego? Hadeer ayaa dekaddii berbera iyo tii Boosaaso gacanteena kasii baxayaan, Markaa nimanka qabiilka maanta noogu yeeraya waxaan leenahay “Rah ayaa laga sheegay biyo haday faa’ido leeyihiin dabadayda ka daya”. Wadamada kale oo ay dawladda Soomaaliya ku dhex maagayaana waa khiyaani doonaan markay helaan cid kale oo shaqo uga dirsata waayo maahmaah hore ayaa ahayd “nin hooyadii har u jiidi waayey aayadiis hoy ma geeyo.

Soomaaliyeey wadamada aan u qaxnay oo nolosha u raadsanay dadkii lahaa ayaa ka difaacday wadamo shisheeye oo ku soo duulay, naf iyo maalna u huray difaaca dalkooda oo ay ka badbaadiyeen. Waxa anaga maanta nahaysta ee ogaada oo is ka celiya kuwa Soomaaliya u iib-gaynaya dowlado kale.

Dawladnimada maanta lahaysto iyo ilayskaas yar ee iftiimaya waxuu u baahan yahay in wax lagu biiriyo ee in wax laga qaado uma baahna. Marka mucaardnimadu waxbay saxdaa oo lama diidana ee mida hadda jirta ee shirarka loo qabanayo waa wax hala iga dhigo ama waan duminyaa. Marka dhurwaa xoola la raacshay maxaa laga filan? Maxayse sameeyeen markay fursadda ay maanta raadinyaan hadda ka hor lagu aaminay!

Xuseen Sooyaan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.