Muqdisho (WDN)- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo dhigiisa dalka Itoobiya (NISS) Temesgen Tiruneh Dinku, ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/11/Mahad-salad.jpg)
Labadaan masuul ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ee dhibaatada ku haysa shucuubta Geeska Afrika.
Md. Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid muhimad gaar ah u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka dalalka Bariga Afrika, waxa ayna u sahlaysaa in si fudud wax looga qabto argagixisada halista ku ah xasiloonida dalal badan oo Soomaaliya ay ugu horeyso.
Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa in muddo ah ka shaqaynayey heshiiskan oo muhiimad gaar ah u leh labada wadan oo dagaal toos ah kula jira Al-shabaab, waxa uuna muujinayaa sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in argagixisada Alshabaab iyo Daaciah laga sifeeyo dalalka Geeska Afrika.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply