Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Siciid Jaamac Xuseen “ Faras”- Haldoor Ku Dayasho Mudan-Qeybtii 2-aad

Halgamaa Hoodo leh

W.Q. Axmed Cabbaas

Dhawaan waxa wardheernews lagu daabacay qoraal lagu maamuusayay aqoonyahan Siciid Jaamac Xuseen ayna ka qayb qaateen dad kala geddisan oo aqoon u leh Saciid.

Ustaad Siciid Jaamac Xuseen

Haddaba markii aan akhriyay qoraalladaas waxaa ii muuqatay in aanay si buuxda sawir uga wadabixin karin dhinacyada kala geddisan ee laga eegi karo shakhsiyadda Siciid Jaamac. Sidaadarteed waxay ila noqotay maadaama aan muddo dheer jaal ahayn Siciid in aan wax ka iraahdo dhinacyadaas aan sida qotada dheer loo xusin.

Taariikh ahaan maalinta iyo bisha toonna ma xasuusto, waxaanse malaynayaa in marki aan bartay Siciid Jaamac in sannadku ahaa 1975. Goobtu waxay ahayd Baar laga qaxweeyo oo la oran jirey Kafee Nazionale. Siciid markaas wuxuu ahaa hawlwadeennada ugu cad cad xafiiski Siyaasadda oo markaas ka mid ahaa hay’adihii kacaanka ee aadka u calan-wallaynayey. Ma hubo qofkii iskaaya baray waxaanse xasuustaa inaan arrimo badan oo la xariirey dhaq-dhaqaaqyadi horusocdka ahaa ee caalamka aan ka sheekaysannay oo ay u badnaayeen halgamadda lagaga soo horjeedey Midab-takoorka Koonfur Afrika iyo qaddiyadda Falastiin.  Siciid wuxuu ii sheegay inuu hayo joornaallo badan oo ay soo kala saaraan Ururrada ANC iyo Xisbiga Shuuciga Koonfur Afrika oo labaduba u dhaq-dhaqaaqa in dalkaas laga suuliyo nidaamka midab takoorka.   Wuxuu ii tilmaamay guriga uu degganyahay oo wershedda Korontada Xamar ku dhow oo ah meel aam la gafi karin. Goor galab ah ayaan u tegey. Aniga aqoontaydu arrimahaas waxay u badnayd dheg ka maqal iyo bowsi. Arrimaha kale oo i xannibaya waxaa ka mid ahaa in aqoontayda afka ingiriisku ay koobnayd madaama wax barashadaydu ay afka Talyaaniga ku salaysnayd. Macluumaad badan oo Siciid hayey oo af Carabi ku qornaa markaas kama faa’iidaysan karin.  Siciid iguma rarin qoraallo farabadan oo keliya ee mid walba sharraxaad badan ayuu iga siiyey.

Is-barashadii naalintaas ka billaabatay waxay noqotay mid waarta maadaama aniga iyo dad badan uu Sicidd u noqday Hoggaamiye ruuxi ah.  Mar walba oo aan Siciid kulanno inta badan wakhti saacado ah ayuu ii huri jirey, waxaanan ka kororsan jirey aqoon iyo garaad siyasadeed. 

Isla sannadki 1976di waxaa aad u xumaanayey xiriirka dhaq-dhaqaaqyadii horusocdka ahaa iyo dawladdi millitteriga ee ka talineysey Soomaaliya, waxaana la kala baxay markii dawladdu cilaaqaadka u jartay Midowgi Sofiyeeti iyo dalalkii iyo dhaq-dhaqaaqyadi ay bahwadaaga ahaayeeyn 1977ki. Guuldarradi Dagaalki Itoobiya lala galay ka dib waxaa Somaaliya ka dhacay isku-day inqilaab dhicisoobey iyo dhaqaaqyo mucaarada oo hubaysan oo ka soo horjeeda Dawladda. Dhaq-dhaqaaqii ugu horreeyey wuxuu la magac baxay Jabhadda Badbaadada Soomaaliya oo caadiyan loo yiqiin SSF (Soomali Salvation Front) laguna asaasay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Hal-ku-dhegyada barobagaando ee dawladda Soomaaliya uga gol-lahayd inay sumcadda kaga disho waxaa ugu badnaa in ay tahay abaabul qabiil iyo iney saldhig ka dhigatay Itoobiya oo la citiqaadsanyahay iney tahay dal cadow ah, ayada oo ay markaas weli xanafti dagaalki labada dal dhexmaray ay cusub tahay.

Doodihi markaas Siciid iyo saaxibbada ay isku aragtida yihiin si hoose ugu faqi jireen waxaa ka mid ahaa falanqayn la xariirta in xoogagga horusocodka Soomaaliya ay si qarsoodi ah isu abaabulaan isla markaasna ay lagamamaarmaan tahay in lagu biiro si wacyiga waddaniga ee dhaq-dhaqaaqu u hana qaado. Siciid wuxuu ka sheekeeyey xarakado badan oo ku bilaawday hab qabiil hase ahaatee u xuubsiibtay waddani iyo horusocd. 

Doodo fara badan oo mudda socday ka dib waxay talo u badatahay in gacan laga geysto sidii xarakada hubaysan ee mucaaradka ah ay u yeelan lahayd yuhuun waddani ah. Siciid markaas waxaa loo doortay urur qarsoodi ah oo la oran jirey Dhaq-dhaqaaqa Xoogsatada Soomaaliya oo marka la soo gaabiyo loogu yeeri jirey “Shaqiila”. Waxaa kaloo la isla gartay in Siciid u safro magaalada Cadan si uu xiriir ula sameeyo SSF ugana shaqeeyo isku-xirka dhaq-dhaqaaqyada horusocodka caalamka oo saldhiggoodu yahay dalka Yamanta koonfureed.

Dadaallo uu Siciid in cabbaara ka wadey Cadan waxaa lagu guuleystay in uu dhaco kulan saddex geesood ah oo dhex maray Jabhaddii SSF, Xisbigi Shaqiila iyo Jabhadda Xoraynta Soomaaliya oo guddoomiye u ahaa AUN Cabdiraxmaan Cayddiid. Saddexdii urur waxay sameeyeen midow cusub oo la magac baxay SSDF (Somali Salvation Democratic Front) bishi Oktoobar 1981. Waxaa la doortay Guddiga fulinta Jabhadda oo uu Guddomiye
u yahay Cabdullahi Yuusuf (AUN)- oo ahaa Guddoomihii 2-baad ee jabhadda kadib Mustafe X. Nuur AHU- halka Guddomiye Ku Xigeenna uu noqday Siciid Jaamac Xuseen. Abdiraxmaan Caydiid wuxuu asaguna noqday Xoghayaha Warfaafinta Jabhadda.

Muwaaddiniin badan oo ka kala tirsana labada urur ee u janjeeray bidixda ayaa ku qul-qulay si ay uga qayb-qaataan horumarinta jabhadda cusub inkasta saldhigga jabahadduu uu ahaa SSF marka laga eego dhinaca ciidanka iyo taageerada, labadaba. Fikirka ka dambeeyey la midowga SSF iyo yagleelidda SSDF waxaa saldhig u ahaa in haddii uu xoogayto itijaaha waddaniga ee hoggaanka jabhaddu ay saamayn la mida ku yeelandoonto guud ahaan xarakada mucaaradka gaar ahaanna SSDF. Si kale haddii loo yiraahdo ku talagalku wuxuu ahaa in dagaalka lagaga soo horjeedo dawladdi mililiteriga ahayd uu noqdo dagaal dadweyne oo loo dhanyahay. Welwelka jirey oo Siciid marar badan ku cel-celin jirey wuxuu ahaa khatarta ah in dawladdu kala daadato ayada aanu jirin xoog waddani ah oo hanan kara dawladda dalkana ku soo dabbaala dimuqraadiyad waddani ah (National Democracy). 

Shaksiyaad badan oo ka mid ahaa hay’adihi hoggaaminta ee dawladda sida golaha dhexe ee Xisbiga Hantiwadaaga, Golaha Shacabka (Baarlammanka) iyo hawlwadeennada ururrada bulshaada sida dhallinyarada iyo shaqaalaha ayaa ku biiray SSDF oo Addis-Ababa ku qulqulay. Aqoonyahanno aan ka mid ahayn hay’adahi dawladda iyo abwaanno qaran sida Hadraawi, Gaarriye, Faarax Gamuute iyo Yaasiin Axmad Nuur (Yaasiin Dheere) AUN oo ahaa abwaannadi hormuudka ka ahaa silsiladdii Deelley ee lagaga soo horjeeday dawladda ayaa ayaguna ku biiray halganka hubaysan 

Yagleeliddi SSDF waxay ku soo aaday ayada oo khilaaf ka dhexjiro SSF dhexdeeda. Waxaa ayaduna jirtay in mudda yar ka dib ay Jabhaddii SNM ay ku soo birtay halgankii hubaysnaa oo Itoobiya ee ka soo fatahayey. Asaga oo gudanaya kaalintiisa hoggaamiyenimo Siciid wuxuu xoog saaray in la xejiyo midnimada SSDF, loona hawlgalo midaynta SSDF iyo SNM asaga oo ka faa’ideysanaya mansabkiisa rasmiga ah oo ah Guddoomiye Ku-Xigeenka SSDF iyo asaga oo degaan ahaan ka soo jeeda Woqooyiga Soomaaliya.

Ayaan darrada dhacday waxay noqotay in Guddoomiyihi SSDF iyo madaxdi kale ee SSF ka soo jeedey ay dadaalki Siciid Jaamac iyo saaxibbadiis ugu muuqatay mucaarad hor leh oo doonaya in hoggaanka jabhadda la wareegaan. Dhanka SNM Siciid Jaamac wuxuu ula muuqday qof ka soo jeeda jabhad kale sidaas awgeedna ma helin soo dhoweyn fiican.

Dhinac kale waxaa ayaduna saamayn gurracan ku yeelatay dawladda Itoobiya oo ahayd xukun milleteri oo dadkiisaba cabburiya sidaas awgeedna aan oggolaan karin in mucaardki Soomaliya uu dhexdiisa yeesho isla fal-gelid dimuqaraadiya. Isla xilligaas Itoobiya waxa ku guuleystay in ay dib-u hanatay xuduudaha ay sheegato ee Jamhuuriyadda Somaaliya Soohdinta la leh. Si kale haddii loo yiraahdo Itoobiya waxay gaartay ujeeddadi ay ka lahayd Jabhadaha sidaas awgedna waxay la soo baxday siyaasad ah inay wiiqdo awoodda SSDF isla markaasna aanay SNM hanaqaad noqod. 

Si SSDF u gabto awooddeedi dagaal oo uu hore u wiiqay khilaaf uruka dhexdiisa ah waxa Itoobiya xabsiga u taxaabtahay guddomiye Cabdullahi Yuusuf iyo madax kale oo ka mid ah hoggaanka SSDF bartamihi 1985ki. Xariga guddoomiyaha waxaa loogu marmarsiinyooday inuu ka horyimi warsaxaafadeed Wasiirkii Arrimaha Dibadda oo ah sheegasho in Gal-dogob iyo Balanballe ay labaduba ka mid yihiin dalka Ittobiya. Xariga Guddomiye Cabdullahi waxaa ku xigey in si gaadma ah hubka laga dhigo ciidammadi Jabhadda dagaalyahanno farabadanna lagu laayo. 

Shirqoolladi Itoobiya kula kacday jabhadihi mucaaradka waxay gogol xaar u ahaayeen heshiiski Mingiste Xayla Maryan iyo Maxmad Siyaad Barre Ku dhex maray Itoobiya Juune 1988. Arimihii labada dhinac ku heeshiiyeen waxaa ka mid ahaa in dhinac walbi hubka dhigis ku sameeyo mucaardka dawladahooda ka soo kala horjeeda. Heshiiska asaga ah ayaa sababay in SNM dagaal is-miidaamin ah ku gasho Burco iyo Hargeysa maalmo ka dib marki heshiiskaas si ay uga badbaaddo wixii SSDF ku dhacay wax la mid ah.

Xubnihii ka soo jeeday dhaq-dhaqaayadi horusocodka ahaa SSF kula midoobey waxay u kala firxadeen jihooyin kala geddisan oo kala ah kuwa dalalka dibadda u kala yaacay iyo qaar ku kala biiray dhaq-dhaqaqyadi kale. Siciid Jaamac wuxuu ka badinwaayey inuu beegsado Cadan oo xaaskiisu hore u sii degganaa. Dagaalki Yaman ka dhex-dhacay 1991ki waxay Siciid iyo qoskiisi iyo qoysas kale baday iney beegsadaan waxa ugu magacdaray “safar aan Jaha lahayn”. Siciid labaatanki sano ee ugu dambeeyey wuxuu ku sugnaa London wuxuuna u banbaxay horumarinta aqoonta iyo dhaqanka Soomaalida, wuxuuna noqday hal-abuure la mahadiyey oo curiyey qoraallo iyo buuggaag dhaxalgal.

Qoraalkan kooban waxaan ku soo gunaanadayaa in Safarki koowaad ee Soomaaliya – Cadan iyo Itoobiya uu laha Jaho cad oo ah in uu naftiisa u huray ambaqaadidda dhaq-dhaqaaq waddani dimuqaraaddi ah oo Soomaaliya ka sabatabixiya xukun milliteri oo diktatori ah waxaase hankiisi beeniyey duruufihi ku xeerraa ee geyeysiiyey xaaladda qaranjabka ah ee weli laga soo kaban la’ayahay.

Saaxiibbada waaya’aragga nolosho walaalaysay iyo qaar aan yarayn oo aan la yeelan is-barsho toos ah laakiin shakhsiyadda Siciid Jaamac ka daalacday qoraalladiisa aad ayey u badanyihiin, kulligoodna waxay isku raacsanyihiin in duruufaha adag ee aan tibaaxay aaney Siciid Jaamac geyeysiin milan ama doorsoon ku dhacay mabaadi’ida waddaniga, aadaminnimada, hufnaanta iyo ilbaxnimada ee yaraantiisi ku hanaqaaday.

Gaar ahaantayda  waxaanna nasiib u yeeshay in tobankii sano ee ugu dambeeyey inaan ilaa dhowr jeer aanu ku kulannay London, Nairobi iyo Hargeysa mar walbana wuxuu ii ahaa isla Siciid Jaamaci aan 45 sano ka hor isku baranay Kafe Nazionale oo la joogistiisa laga xiisa goyn karin. Farriinti ugu dambaysey ee walaal ka helo waxay mid Whatsup ahaan igu soo gaartey waxayna u qorantahay, “Gacaliye Axmad Cabbasow, Salaan diirran, xusuus iyo xiise aan damayn, iyo gacaltooyo sal ma guurta ah iga guddoon. Ma biciidsanayo in aynu dhowaan nabad iyo caafimaad ku Kulanno. Siciid”. Siciid waxaan Ilaah uga baryayaa caafimaad dhammays ah oo deg-deg.  Aamiin     

——————-

Siciid Jaamac waa kuma?

W.Q Cabdisalaam M. Ciisa-Salwe, PhD

“Nin aqoonta soorkeeda
Sida kale u rogey baa leh” Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Aqoonyahaada Soomaaaliyeed waxay waayadaan noqdeen kuwa aan muuqaan ama cilmigooda iyo aqoontooda aan la arag. Waxaana ugu wacan aqoonyahannada waxay haldoor ku ahaayeen ayaa sannadahan dambe lumay.

Arrimaha qariyay muuqaalka aqoonayannada waxaa ka mid ah, waxaa yaraaday agabkii iyo goobihii ay aqoonyahaannda ku soo bandhigi jireen aqoontooda iyo allifaaddooda,  wargays-aqooneedyada oo joogtsaday, goobaha fan-masraxeedayada oo la xiray, fursadaha shabakdada inay daabacaan afkaartooda oo yaraaday, iyo kulammadii aqoonyahannada ay ku soo bandhigi jireen afkaarahooda oo istaagay sannadahaan dambe.

Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa horay u qoray “Aqoonyahannada Soomaaalida lama kala garto illaa ay noqdaan codkar iyo qubaraa”.  Goobaha uu aqoonyahanka Soomaaliyeed uu ku muuqan jiray ama ka muuqan karo waxaa ka mid ahaan jirtay soo bandhigidda afkaarahiisa isagoo adeegsanaya qaab masraxeed, qalab kala duwan sida gabay la meeriyo, adeegsiga qalabka la isticmaalo sida cajaladaha ama radiyaha. Gaar ahaan abwaaniinta suugaanta iyo dhaqanka waxaa caawini jiray fan-masraxeedyada ay ku soo bandhigi jireen riwaadaha iyo suugaanta.

Dareenkaa fursadahaas lumay waxaan ka arkaynaa in muddo ah inaynaan arag qoraallada iyo afkaaraha Siciid Jaamac Xuseen oo ah cabqari iyo curiye Soomaaliyeed oo muddo nus qarni ah ka dhex muuqday goobaha, bandhigyada iyo fagaaraha aqoon-is-waydaariska . Nasiib wanaag Wardheernews ayaa bilowday inay buuxiso kaalinta ka luntay aqoonyahannada inay ku soo bandhigaan araa’aadooda.

Siciid Jaamac wuxuu isku darsaday dhowr sifo oo aqoonyahanku leeyahay. Qoraa Maxamed Nuur Kuluu, mar uu sifaynayay calaamadaha aqoonyahanka wuxuu aqoonyahan ku sifeeyay qof leh calaadamaha ay ka mid yihiin:

  1. Hoggaamin: Caqli iyo garasho hoggaannimo.
  2. Xallin: Awood caqliyeed iyo garasho xalliyi karta isbeddelka nolosha ee bulshada
  3. Garashoole: Garasho had iyo jeer xal u raadinta cilladaha nolosha
  4. Samafallid: Horseednimo samafallidda bulshada
  5. Dhexeyn: Aan aqoon kala xigsiga iyo garabeynta gaarka ah
  6. Agaasimid: Agaasima yagleelidda nolosha iyo horumarka bulshada
  7. Hammi-sarrayn: Leh hammi sare oo hindisaysa miradhalin himalada bulshada
  8. Go’aan-qaatasho: Leh go’aan-qaadasho xoogan oo ku saleysan fikir saliim ah

Astaamahaas dusha ku wada xusan waxay ka wada muuqdaan dhaqanka-caqliyeedka Saciid Jaamac iyo qoraalladiisa uu ku cabiro firkirkiisa. Akhristayaasha qoraalladiisa waxay ka dheehan karaan caalamadaha kale oo ay ka mid yihiin: eray-bixinta, curiyeynnimo, sheeka-abuurid, allife suugaan misaaman, cilmi-naqdiyayn, iyo tifaftirid suuganeed ku misaaman aragtida suugaanta

Siciid wuxuu isku darsaday sifooyinka dusha ku xuan oo idil isagoo isticmaalaya luqadaha af-Soomaaliga oo u dhashay, af-Carbiga oo uu Cadan ku dhashay, Af-Ingiiriska uu aqoontiisa illaa heer majeester uu wax ku bartay. Saddexdaas luqaadood waxay Siciid siisay fursado uu ku darso aqoonta ku aasan saddexdaas aqoon iyo dhaqankooda.

Cilmi baaraayaasha iyo cilmi-nafsiga dadka yaqaan waxay xusaan qofka bartaa laba luqadood, waxay maskasdiisa halaysaa fursad xusuusta iyo fekerka ah. Waayo qofkaas wuxuu isu barbardhigayaa dhinacyada kala duwan ee aragtida uu ku arkayo labada aqooneed ee luqadahaas. Sidoo kale waxay siiyeen karti maskaxeed inuu adeegsado  aragti cusub mid waliba iskeed u ballaaran.

Luqadadaha labada ah oo uu u dhashay iyo midda uu cilmi sare ku bartay waxay Siciid siyeen fursad si maskaxiyan iyo cilmiyaysan uu aqoonta iyo cilmiga dhaqanka saddexdaas luqadood. Qoraallada kala duwan oo u Siciid Jaamac qoray waxay ku salaysan yihiin si cilmiyaysan dhaqanka iyo afkaarta dhaqanka iyo qofka. Waxaa ka mid ah:

  1. Shufbeel
  2. Dareen
  3. Qofka iyo Qaayihiisa
  4. Labaatan Sano iyo Laba Gabdhood
  5. Inantaada u Guuri
  6. Waa Kuma ‘Hadraawi’? 
  7. Ma idiin War!
  8. Maxaa Isaga Dan Ah!
  9. Ma innaguun baa!
  10. Xalaabaha
  11. Ma innaguun baa! (tiraab-curin)
  12. Shaqada iyo Waxtarkeeda!
  13. Fariinni Waa Qaan
  14. iyo kuwo kale

Kalmadda ugu dambaysa oo aan ku soo gunaanadayo Siciid Jaamac waa kalmadda Dr Maxamed Daahir Afrax uu u ka yiri Siciid Jaamac.

“Wuxuu ka mid yahay inta yar ee awoodda u leh iyagoo murti iyo aqoon kuu faai’deynaya inay haddana kuugu soo tabiyaan si macaan oo kaftan iyo maad lagu khafiifiyey, marka uu hadlayo iyo marka uu qalinka qaataba.  Marka aad akhrinayso qoraalladiisa sannadahan dambe iska soo daba burqanayey waxaa ku hor imanaya Siciid oo kuu sheekaynaya! Marka la iska sheekaysanayana asagoon ku tala galin ayaa mar walba waxaa sheekadiisa ka soo dhex burqanaya aqoontii uu cimrigiisa dheer ka soo dhitaynayey akhris-jeclida uu saaxiibka koowaad ka dhightay buugga iyo dhiganayaasha la midka ah”.

Halkan ka akhriso Qeybtii 1-waad ee : Haldoor Ku Dayasho Mudan

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.