Shirweyne lagu ansixinayo dastuurka cusub ee maamulka Jubbaland oo Kismaayo ka furmay

Kismaayo-Dastuurka cusub2
Shirka dastuurka Jubbaland

Kismaayo (WDN) – Ergo ka kooban 300 oo ka kala timid sedexda gobol ee uu ka koobanyahay maamul goboleedka Jubbaland, ayaa maanta u fariistay ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland,. Kaasoo mudooyinkii u danbeeyay ay socotay qoristiisa.

Kismaayo-Dastuurka cusub1Gudiyada kala duwan ee u xilsaaran dastuurka Jubbaland ayaa waxa ay safarro kala duwan ku tageen qaar kamid ah degmooyinka gobollada Jubbaland, goobahaasii oo ay rayi ururin ku Aadan qorista dastuurka ay ka soo ururiyeen.

Shirkan oo socon doona mudo afar maalmood ah, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo, waxaana shirkani daahfuray madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha oo khudbaddii daahfurka shirka ka jeediyay madasha, ayaa ugu horeyn u mahadceliyay gudiyadii ku howlanaa diyaarinta dastuurka,ergada ka kala timid sedexda gobol, hay’adda SSF, ISa iyo Qaramada
Midoobay. kuwaasoo uu sheegay in ay gacan weyn ka geysteen sidii ayJubbaland u yeelan lahayd dastuur

Intaa kadib ayaa waxaa ergada loo qeybiyay qabyo-qoraalka dastuurka, waxaana ergadu ay ka doodi doontaa qodobada ku qoran dastuurka, iyagoo gudiga dastuurka u gudbin doona qodobada ay u arkaan in ay u baahanyihiin in wax lagu kordhiyo amaba laga saaro.

Wariye:- Garyaqaan
Kismaayo-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.