Muqdisho- (WDN)- Shirkii Muqdisho uga socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleeyada, ayaa la sheegayaa in la isku af gartay, islamarkaana la soo saari doono war-murtiyeed caawa.
Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiiyay dhowr qodob oo ahaa kuwa la isku af garanlaa, oo ay ay ka mid ahaayeen:
- Doorasho dadban
- Masuuliyadda maamulka doorashoyinka oo la isla gartay in Dowlad Gobolleedyadu ay maamulaan
- Tirada ergada oo ah 101
- Goobaha doorashada oo lagu koobay laba deegaan doorasho
- Xisbiyadii oo laga saaray qaabka doorashada.
- Guddi Farsamo loo saaro wakhtiga la qaban doono doorashooyinka
Wali ma cadda doorka Golaha Shacabka, sidoo kale dhinaca arimaha goblka Gedo qaabka lagu heshiiyay, arinkaas oo ka mid ahaa tiirarka ugu weyn ee dhex yaalay DF iyo Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ahaa.
wardheerNews