Muqdisho (WDN)- Wadahadaladii u dhxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa la filyaa in uu bilaabmo maalinta Khamiista, iyada oo lagu heshiiyay goobta wada hadalka oo muddo la isku khilaafsanaa. Golaha Mustaqbalka ayaa ogolaaday in shirku ka dhaco Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii ay la kulmeen Madaxweyne Xasan iyo ergooyin badan oo dhinaciisa ka socotay.
Kulanka labada dhinac ayaa filayaa in lagu gorfeeyo agendooyin ay horey u diyaariyeen gudi farsamo oo ka socotay labada qeybood. Arimaha ugu waaweyn ee shirka asaaska u ah ayaa ah – Doorashooyinka iyo wax ka badelka Dastuurka.
Madaxweyne Xasan ayaa ku adkesanaya in dalka laga dhaqan geliyo doorasho Qof iyo Cod ah, iyada oo Golaha Mustaqbalku uu xoogga saarayo doorasho heshiis lagu yahay, islamarkaana wax ka badelka dastuurku aanu aheyn mid sharci ku taagan, oo waxba ka jirin.
Warar lagu kasoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews ayaa sheegaya in shirkan uu yahay hordhac, hase yeeshee kulan dambe loo balami doono bishan Ramadaan ka dib.
Saadaasha wadahadalka ayaa dad badani qabaan in kol haddii uu furmo shirku ay tahay arin wax badan ku soo kordhin karta in heshiis dhaco, halka dad badani aamin sanyihiin in Madaxweyne Xasan uu qorsheynayo muddo korodhsi, islamarkaana aanu diyaar u aheyn in uu ka tanaasullo labada qodob ee saldhiga u ah khilaafka siyaasadded, kuwaasi oo ah Doorasho Qof iyo Cod ah iyo wax ka badelka Dastuurka.
Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in lagu heshiin karo qorshe lagu dhiso dowlad wadaag (unity government), oo Ra’iisal Wasaare Cusub yimaado, taasi oo muddo kooban dalka gaadhsiin karta doorasho wada ogol ah.
Dad badan ayaa qaba halka ay hoggaamiyayaasha Soomaalidu isku haysatan arimo siyaasaddeed oo ay ka heshiin karayaan, meesha dadka Soomaaliyeed ay la il daran yihiin abaar aad u ba’an oo dalka guud ahaan saamaysay.
Si kasta oo ay u dhacdaba wadahadalada furmay waa tallaabo o oloo qaaday dhinaca wanaagsan, taasi oo u baahan in horey loo sii wado si lo helo heshiis siyaaasadded oo dalka lagu badbaadiyo.
WardheernNews
