Kulanka Muqdisho oo ah fursad aan la dayici karin

Kulanka Muqdisho oo ah fursad aan la dayici karin

Muqdisho (WDN)- Soomaaliya oo muddo 35 sano ah ku jirtay burbur, xasiloonu la’aan siyaasaddeed, dagaallada Al Shabaab, dhaqaalo xumo iyo abaaro ba’an oo la filayo in ay sii xoogaystaan sanadkan 2026, ayaa haddana waxa ay had iyo jeer kaga duwanneyd wadamo badan oo ka mid ah Geeska Afrika , Bariga Afrika iyo guud ahaan Qaarada Afrika  in ay dalka ka dhacdo  doorasho isbadel xukun 4-5 sano-ba mar  (peaceful power transfer) oo si nabad ah ku qabsoonta.

Haddaba  iyada oo Xukuumadda hadda xilka haysa ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay kaga eegtahay muddo xilleedkii bisha May 2026, ayaa waxaa soo baxaya in aysan wali gogol-xaadh u sameyn sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho wada ogol ah. Arintaas oo welwel ku dhalisay shacbiga Soomaaliyeed iyo saaxiibada beesha Caalamka. Iyada ay weheliso Xukuumada Madaxweyne Xasan oo wali sii wada arimo xasaasi ah oo shirka loo idman yahay saldhig u ah sida wax ka baddelka Dastuurka, oo Baarlamaanka Federaalka oo ka duulaya rabitaanka Villa Soomaaliya mar kale dib u furay.

Kulan horey u fashilmay Feb 1, 2026 oo ay ku balan sanayeen Madaxweynaha Dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mustaqabalka Soomaaliya oo ka kooban Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo  Isbahaysiga Mucaaradka Samatabixinta, ayaa mar kale la filayaa in bishan Feb 11-12 lagu kulmo Muqdisho.

Warar soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya gudi farsamo oo ka socday labada geesood, oo horey ugu kulmay Muqdisho in ay isla garteen qorshaha (agenda) shirka, hase yeeshee aan laga heshiin goobta shirku ka dhacayo. Golaha Mustaqbalka ayaa ku adkeysanaya in shirka lagu qabto goob dhexdhexaad ah, halka Madaxweyne Xasan rabo in shirku ka dhaco Villa Soomaaliya. Wali ma cadda in heshiis laga gaadhay arinkaasi, iyada oo dhamaan wufuudii ka qeyb geli laheyd shirka la fialayo in ay Muqdisho soo gaadhaan maalinta Salaasada iyo Arbacada.

Kulankan Madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustqabalka ayaa dad badani sheegayaan in uu yahay fursad lagu gaadhi karo heshiis siyaasaddeed oo dalka oo maraya xaalad xasaasi ah lagu badbaadiyo. Taasi oo  oo ah fursad aan la dayici karin

WardheerNews