Shirkii madaxda Soomaalida uga socday magaalada Kismaayo ayaa lagu kala dareeray iyadoo aan wax go’aanno ahi ka soo bixin ka dib markii dhinacyadii shirkaas ka qaybgalayay ay ku guuldarraysteen in ay xal ka gaadhaan kala duwanaanshaha aragtiyahooda ku jihaysan qaabka lagu soo xuli doono xubnaha golayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Wufuufdii ka kala socotay dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo afartii beri aan soo dhaafnay ku kulansanaa magaalada Kismaayo ayaa qolo waliba mawqifkoodii ku adkaysatay iyagoo islamarkaan ku guuldarraystay in ay meel dhexe isugu yimaadaan.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Cumar cabdirashiid Cali Sharma’arke oo saxaafadda la hadlay ka dib markii uu shirku burburay ayaa sheegay in muddadii ay madaxdu ku sugnaayeen magaalada Kismaayo Shirarkii ay yeesheen wax baxadan laysaga soo dhawaadey halkii markii hore lakala joogey dedaallo badan oo la sameeyey daraadood.
Ra’iisul wasaare Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in ay weli harsan yihiin waxyaabo u baahan in si farsamo ah loo xalliyo taasna dib loo dhigi doono isla markaasna ay dawladdiisu iclaamin doono xilliga laga wada hadlayo iyo meesha looga wada hadlayaba.
Si kastaba ha ahaatee fashilka shirkan ayaa muujinaya in madaxda Soomaalidu aanay lahayn karti ay ku xaliyaan arrimaha ay ku kala aragti duwanyihiin si hore loogu sii socda dhabbaha dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.
Hoos ka dhegeyso hadalka ra’iisalwasaaraha
