
Iyadoo habeenkii xalay ay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ku kala boodeen shirkii Madasha Wadatashiga Qaran uga socday magaalada Kismaayo iyadoon wax macno leh oo heshiis ahi ka soo bixin ayaa wararku sheegayaan in wufuud isu diyaarinaysay in ay maanta ka ambabaxaan Kismaayo ay ka baaqdeen safarkoodii farriin beesha caalamka ugu timid darteed.
Arrimaha sababay in shirka aanay wax go’aamo ahi ka soo bixin hebeenkii xalay ayaa la sheegay inay ka dambeysay iyadoo madaxda qaarkood in wax wadaxaajood ka galaan arrimaha la isku mari la’yahay aanay u iman goobta.

Sida mas’uuliyiin ku sugan goobta shirku ay u xaqiijiyeen WardheerNews ragga caqabadda ku noqday shirka waxaa ka mid ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Md. Shariif Xasan oo la sheegay in aanu ku soo talo gelin in uu wax tanaasul ah ka sameeyo arrinka 4.5. “Waxa uu meesha la yimi waxa ay ahayd wax aan 4.5 ahayn oo u cuntamayaa in aanay jirin,” ayuu sheegay mas’uukaasi.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu soo jeediyay in muddo 2 sannadood ah loogu daro, mar haddii aan arrin kale la hayn iyadoo la sheegayo in arrintan hoos ahaan uu ugu taageersanaa Ra’iisalwasaare Cumar Cabdirashiid.
Mas’uuliyiinta iyagu ka soo horjeedday in dib wax loogu qaybsado qaacidada 4.5 waxa ay soo bandhigeen aragtiyo ahaa in la isku dhafo doorasho ku salaysan deegaan iyo qabiil.
Waxa intaa dheeraa tiro aad u badan oo xildhibaanno ah oo iyana Kismaayo yimi una ololaynayay muddo kordhis, lana sheegay in ay shirka aad u wareeriyeen.
Isku soo wada duuboo Madaxweyne Xasan Sheekh laftiisa ayaa lagu dhaliilayaa in aanu wax mas’uuliyad hoggaamiyenimo aanu la iman madasha iyadoo uu dib u dhacay 3 cisho oo shirku u xayirnaa, kharash badanna la galay, markii uu yimdana wxaa la sheegayaa in uu shirka dedejiyay.
Waxaa iyana xusid mudan waxyaabo badan oo uu hirkani kaga duwanaa kuwii hore oo ay ka mid yihiin iyada oo aanay shirkan ka soo qaybgelin dalalka ajnabiga ah iyo Qaramada Midoobay midna islamarkaana kharajka shirka ay bixinaysay dawlad goboleedka Jubbaland oo iyada marti loo ahaa, halka kuwii hore ay deeqbixiyayaashu dusha u riteen kharashkooda iyaga u soo marinaya QM. waxbana aanay Soomalida gacanta ugu jirin.
Haseyeeshee madaxda Soomaalida oo markan laga rabay in ay muujiyaan mas’uuliyadnimo ay ku tashan karaan iyadoo aan cid kale soo dhex gelin ama aan lagu jujuubin wax beesha caalamku soo diyaarisay ayaa nasiibdarro weyn lagu tilmaami karaa in aanay weli u bislayn in aayaha waddankooda iyagu ka taliyaan.
Si kastaba ha ahaatee iyadoo ay xilligan dib isugu noqdeen madaxdii hore u kala boodday ayaan la saadaalin karin in wax ay shacabku ku farxaan kullamada hadda u socda ay ka soo saaraan.
WardheerNews
